Sabti, November, 10, 2018 (HOL) – Waxaa
caadi ku soo laabtay oo saakay dadka iyo gaadiidkuba isticmaaliyaan waddada
hormarta hotelka Saxafi oo maalintii shalay ay ka dhaceen qaraxyo is xig xigay
oo galaaftay nolasha dadka ka badan 20 ruux.
Ciidamada amaanka iyo hay’addaha caafimaadka ayaa
tan iyo shalay ku mashquulsanaa in ay halkaa ka nadiifiyaan burburkii uu reebay
qaraxa iyo dadkii wax –yeelladu soo gaartay oo la dhiggay goobaha caafimaadka
magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka weyn ee Madiina.
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Qaraxyadan
ayaa dhinaca kale ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay si
dhaw ula shaqeeyaan hay’addaha ku mashquulsan wax ka qabashada amniga.
Weerarradan oo ahaa kuwo ismiidaamin ah oo loo
adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa mas’uuliyadooda
sheegtay xarrakada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya iyo
ciidamada shisheeye ee taageerada militari siinaya.
Dadka qaraxyadii shaley ku dhintay ayaa u badnaa
dad rayid ah oo saarnaa gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale oo waqtigaa goobta
ku sugnaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]