
Sabti, July, 14, 2018 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Labo Qarax oo maataanno ah oo kuwaa oo durnimadii maaanta ka dhacay Agagaarka SYL gaar ahaan meel aan ka fogeyn Isgoyska Beerta Nabada.
Wariyayaal tagay goobta ayaa Hiiraan Online u sheegay in ay arkeen meydadka rag ku labisnaa dareyska ciidamada laakiin loo maleynayo in ay ahaayeen dabley Qaraxyada kaddib iska horimaad uu dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ugu yaraan Lix ruux oo ay ku jiraan Dableydii weerarka geystay ayaa ku dhintay Qaraxyadan sida laga soo xigtay goob joogayaal.
Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya ay wali warbaahinta la hadlin, waxaana lagu waddaa in goordhow ay goobta yimaadaam Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Qaraxan ayaa imanaya Labo cisho uun kaddib markii uu weerar ku bilaawday Qaraxyo sidan oo kale lagu bartilmaameedsaday Isgoyska Siyadka gaar ahaan xaruta Wasaarraddaha arrimaha gudaha iyo Amniga oo ay gudaha u galleen rag hubeysan waxaa weerarkaa ku dhintay ku dhawaad 17 ruux oo ay ka mid ahaayeen shaqaalle dowladeed.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]