Sabti, July, 14,
2018 (HOL) – Doon sida ayaa lagu waramayaa in ay ku xayiran tahay xeebaha dalka
Talyaaniga sidda ay shaaciyeen hay’addaha u dooda xuquuqda Muhaajiriinta.
Dowladda Talyaaniga
ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin muhaajiriintaasi oo badankooda ka soo
jeedda Qaaradda Afrika laakiin ay haboon tahay in dowladda Malta ay qaadato
Mas’uuliyiinta dadkaasi.
Xukuumadda Malta ayaa sheegtay in doonni
kalluumaysi oo loox ka samaysan oo ay saaran yihiin 450 ay doonayso in ay ku
xirato jasiiradda Lampedusa.
Waxay sheegtay in doonidaasi ay haatan ku jirto badda
Talyaaniga Maltana ay waajibaadkii ka saarnaa gudatay.
Dowladda Talyaaniga waxaa ay sheegtay in
doonidaas aan loo ogolaan doonin in ay ku xirato dekadaha Talyaaniga.
Muran xooggan ayaa ka taagan Cidda qaabili doonta
Qaxootigaasi oo hadda ku jira Xaalad adag , Maadaama Muddo badan ay badda ku
jireen sidda ay sheegtay Hay’adda laga leeyahay Jarmalka.
Wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga ee
siyaasadihiisu midigta fog yihiin, Matteo Salvini, ayaa ku adkaysanaya in
muhaajiriintaasi ay ka ka degaan dekadaha Malta.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]