Sabti,
Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Taabit Cabdi Maxamed ayaa loo aqoonsaday inuu yahay
duqii magaalo ee ugu waxqabadka fiicnaa sanadkii la soo dhaafay, iyadoo
abaal-marintan loogu talo galay in lagu qiimeeyo waxqabadka madaxda caasimadda
qaranka iyo kuwa caasimadaha gobollada.
Mudane
Taabit oo ahaa duqii magaalada Muqdisho ee sanadkii hore ayaa abaal-marintan ku
guddoomay xaflad lagu qabtay hoeelka Mogadishu Guest House oo ay ka soo qeyb
galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.
Natiijadan
ayaa ka soo baxday sahan bilihii Oktoobar illaa Diseembar 2017 lagu sameeyay
magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Garoowe, Cadaado, Kismaayo iyo Jowhar, ayna
ka qeyb galeen in ka badan 1,800 oo qof oo laga soo xushay magaalooyinkaas.
Natiijada
sahanka la sameeyay waxaa lagu qiimeeyay Mudane Taabit barnaamijyadiisii ku
aaddanaa dhinacyada horumarinta adeegga bulshada, cad-cadaanta iyo
maamul-wanaagga Dowladda Hoose, dib-u-heshiisiinta iyo isdhexgelka bulshada,
dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha, shaqo-abuurka dhallinyaradda iyo
horumarinta cayaaraha, xoojinta kaalinta haweenka, wacyi-gelinta iyo abaabulka
bulshada, samo-falka, iyo u-qareemidda xuquuqda Gobolka Banaadir ee heer qaran.
Waxaa
munaasabadda ka hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid ahaayeen
Sheekh Cumar Wardheere iyo Sheekh Soomow oo ku hadlayay magaca culimada, Dr.
Maxamed Cali Ibraahim oo ah wasiir hore, Farxiyo Kheyre oo ku hadleysay magaca
haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ugu dambeyntana uu xafladda soo xiray
Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka, Diini Maxamed Diini, oo ugu
dambeyntii guddoonsiiyay abaalmarinta.
Duqii
hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed, oo hadlay markii la guddoonsiiyay
abaalmarinta ayaa u mahadceliyay hay’adda Vision oo soo sameysay sahankan,
isagoo sheegay inay arrintan ay tahay dhaqan ku cusub dalka oo ah in la xuso
waxqabadka wanaagsan.
Hay’adda
Vision ayaa sheegtay in abaal-marintan lagu saleeyay macluumaadka Hay’adda Duqa
Magaalooyinka ee City Mayors Foundation (CMF) oo soo qabanqaabisa Abaal-marinta
Duqa Magaalooyinka ee heer caalami ah (World Mayors Award), taas oo lagu sharfo
madaxda u adeegtay bulshadooda, waxna ku soo kordhiyay magaalooyinka ay madaxda
ka yihiin. Akadeemiyada Hoggaaminta ee Hiraal (Vision) ayaa xiriir la sameysay
hay’addaas si mustaqbalka magaalada Muqdisho loogu soo daro qiimeyntooda u
gaarka ah qaaradda Afrika.
Abaal-marintan
oo qeyb ka ah Abaal-marinta Xilgudasho Qaran ayaa waxaa soo qabanqaabisay
Akadeemiyada Hoggaaminta ee Hiraal (Vision Leadership Academy) ayaa sheegtay in
ujeeddada abaalmarintan ay tahay in la muujiyo aragtida fog iyo hoggaaminta
madaxda magaalooyinka Soomaaliyeed ee si karti iyo hufnaan leh ugu adeegay
shacabka iyo in shacabka fursad loo siiyo ay ku qiimeeyaan waxqabadka madaxda
ka talisa magaalooyinkooda.
Mustafa Hussein