Askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo Tababar loogu soo xiray Kismaayo [SAWIRRO]
Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL)- Ku dhawaad 150 askari oo katirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda 43-aad ee jubbaland ayaa waxaa magaalada kismaayo loogu soo xiray tababar socoday mudo 15 cisho ah kaa oo lagu barayay xirfadda Shiishka iyo isticmaalka hubka culus.
Munaasabaddii xirtaanka tababarka waxaa ka qebygalay sarkiil ka socotay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee (AMISOM), taliska qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo Col Tesefy oo ah abaanduulaha ciidamada Itoobiya qeybtooda Jubbaland.
Abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ciidankan loo tababar in ay meel dheer ka toogan karaan cadawga, isagoo sheegay in sidoo kale loo tababaray isticmaalka madaafiicda goobta iyo hubka culus.
Ugu danbeen waxaa munaasabada ka hadlay oo tabobarka soo xiray Taliyaha ciidamada xogga dalka Soomaaliya qeybta 43-aad Janaraal Ismaaciil saxardiid isaga oo ciidamada ku amaanay sida ay ugu dhabar adeygeen tababarka.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidankan tababarka dhameystay ay noqon doonaan macalimiin ciidamada bara culuumta ay barteen.
Xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada ayaa saldhig u ah ciidanka xoogga dalka qeybtooda 43-aad ayadoo xeradan lagu tababaro ciidamada kamid noqonaya ciidanka xoogga dalka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soo
More News
- Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo la abaalmariyay
- Alle ha naxariistee Garaad Cali Buraale oo ku geeriyoodey magaalada Laascaanood
- Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo lagu dhaxtoogtay xaruntii uu ka shaqeynayay
- Cabdi Qeybdiid : Wali waxba lagama qaban saraakiishii amray weerarkii lagu qaaday Gurigeyga
- Hay’adda Waxbarashada SAFE oo abaalmarin guddoonsiisay Jaamacada Horn Of Africa
- Madaxweyne Biixi oo ka qaybgallay sanad guuradda 24-aad ee aasaaska Ciidanka Militariga Somaliland
- Shirkadaha Jaadka“Sicir-bararka jira kollay qayb-baanu ka ahayn waa xaqiiq oo ma diiddanin”
- Wararkii ugu dambeeyay Muhaajiriin ku dhintay xeebaha Liibiya
- Rasaas khasaare sababtay oo lagu furay gaari dad rayid ah la socdeen dulleedka Beledweyne
- Trump oo ka digay in la carqaladeeyo baaritaanka doorkii Rushka doorashadii Mareykanka
- Mareykanka oo mamnuucay in wax hub ah la geeyo dalka Koonfurta Sudan
- Howlgal ka soconaya magaalada Gaalkacyo kaddib Qarax shalay ka dhacay
- Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya








