Sabti, August , 25,
2018 (HOL)–Taliye ku-xigeenka hay’adda danbi-baarista dowladda Soomaaliya
Bashiir Nuur Geedo oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa
sheegay in la xiray ku dhawaad 28 ruux oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo ka
tirsan dowladda Soomaaliya
‘’Waxaan rabaa in
aan halkan ka cadeeyo waxaa jira xabsiga dhexe ee dalka 28 ruux oo isugu jiray
saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed, kuwaa ku eedeysan in ay
faraha kula jireen arrimo la xiriira ,musuqmaasuq’’ ayuu yiri taliye
ku-xigeenka hay’adda danbi-baarista.
Taliye-ku-xigeenka
ayaa intaa ku daray in fal danbiyeed lagu eedeynayo xubnaha xiran uu dhibaato u
keentay hab-sami u socodkii howlaha ciidamada iyo sugida nabad-galyada, isaga
oo intaa raaciyay in wali baaritaanno socdaan.
Waa tiradii ugu
badneyd ee ka tirsan ciidamada dowladda oo waayadan dowladdu soo bandhigtay iyadoo
lagu eedeynayo arrimo salka ku haya musuq-maasuq.
Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata in ay u jiheysatay wax ay ugu yeereen la
dagaalanka musuqmaasuqa, laakiin ay jiraan dad badan oo su’aalo ka keenay ilaa
xeer inta hay’addaha arrimahan ku shaqada leh u madax-bannaan yihiin in ay la
dagaalamaan.
Hanti dhowrka guud
ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa dhawaan sheegay in baaritaannada la
xiriira musuq maasuq la wadi doono ilaa laga gaaro xafiisyada madaxweynaha yio
ra’iisal wasaaraha dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]