Xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo oo lagu eedeeyay in ay carruur kale ku dileen Yemen
Sabti, August , 25,
2018 (HOL)– Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay xulufada
uu horkacayo Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen duqeyn ku dileen
22 carruur ah iyo afar dumar ah.
Mark Lowcock
oo ah madaxa gargaar u qaabilsan Qaramada Midoobey dalka Yemen ayaa sheegay in
dadka la dilay ay duqeymuhu halleeleen iyaga oo isku dayay in ay ka baxsadaan
dirirta u dhaxeysa labada dhinac.
Waxaa kaloo u
sheegay in duqeymo kale oo dheeraad ah oo dhacay lagu dilay carruur kale oo aan
ilaa iyo hadda tiradooda la ogeyn.
Warka ka soo baxay
Qaramada Madoobey ayaa imanaya xili xulufada Sacuudiga iyo Xuudiyiinta Yemed
midkood uu kan kale ku eedeeyay in ay iyagu ka danbeeyeen weerarkan carruurta
lagu laayay.
Lowcock ayaa ku baaqay in baaritaan
madaxbanaan lagu sameeyo dhacdadan, waxaan hadalkiisa uu imaanaya xili hay'adaha
u dooda xuquuqda aadanaha ay ku edeeyen xulafada Sacuudiga in aysan dooneyn
baaritaan lagu sameeyo dembiyada dagaal ee ay ka geystaan dalka Yemen.
Dhinaca kale waxaa jira eedeymo loo jeedinayo dowladda
Mareykanka oo ah in ay ka saacido xulufada Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen,
dhinac-yada hub, sirdoonka, diyaaradaha dagaalka iyo sahayda uu shidaalku ka mid yahay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]