Faah faahin ku saabsan weerarkii Al-shabaab ee deegaanka Barriire

 

Jimco, September, 29, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saf mar ah oo ay Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen deegaanka Barriire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarkan oo markiisii hore ku bilaawday gadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu qaaday saldhiga ciidamada dowladda Soomaaliya ugu weyn oo ay ku leeyihiin deegaanka Barriire sida ay sheegeen goob joogayaal.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo sita hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in ay dhowr jiho ka soo weerareen deegaanka waxaana halkaa ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hub culus.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay tiro ka badan 10 askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa saldhigyada la weeraray sidoo kalana lagu gubay hub iyo gadiid dagaal.

Deegaankan lagu dagaalamay ayaa ciidamada dowladda waxaa ay ururka Al-shabaab kala wareegeen 19-kii August ee sanadkan, kadib dagaal adag oo ay la galeen.

Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkan sida uu hadalka u dhigay uu jawaab u ahaa dadkii rayidka ah ee horaantii bishan lagu dilay deegaanka Barriire ee gobolka Shabeellaha hoose kaddib howlgal wada jir ah oo halkaa ka dhacay.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ay taliska militariga ka so saareen weerarka saakay ka dhacay deegaanka Barriire oo Al-shabaab ay sheegteen in ay ku dileen Askar ka tirsan ciidamada dowladda

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]