Khubaro reer Yurub ah oo u imanaya qiimeynta Baasaboorka Soomaaliga

 

Jimco, September, 29, 2017 (HOL) – Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa sheegay in dhawaan dalka soo gaari doonaan khubaro reer Yurub ah oo sida uu hadalka u dhigay qiimeyn ku sameyn doona habka bixinta Baasaboorka Soomaaliga.

Waxaa uu sheegay in ujeedada socdaalka khubarada reer Yurub ee imanaya tahay bal in ay arkaan habka loo bixiyo Baasaboorka Soomaaliga iyo dariiqa kala duwan ee loo maro qaadashadiisa.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dalal badan oo su’aalo ka keenay habka lagu bixiyo Baasaboorka, imaatinka khubaradan kadibna ay jawaab heli doonaan.

‘’Madaama aan dalalkooda ugu tagnay una soo sharaxnay Baasaboorka Soomaaliga ah iyo habka loo qaato, iyagana waxaa ay arki doonaan arintaa iyada ah, sidaa ayeeyna u imanayaan’’ ayuu yiri Agaasimaha.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay Agaasime Koofi in dadaal dheeri ah ay ku bixinayaan in la yareeyo cabashada shacabka ee la xiriirta qaadashada Baasaboorka., wuxuun sidoo kale tilmaamay in hada muwaadin kasta uu si dhaqsi leh ku heli karo Baasaboorka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]