
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Wadahadalada labadii maalmood ee la soo dhaafay uga socdey magaalada Caynabo Somaliland iyo Khaatumo ayaa soo dhamaaday kaas oo ay labada dhanacba sheegeen in lagu guulaystey.
Kulankan oo gabagabdiisii ay saxaafadda la hadleen Wasiir u duulaha waxbaradhada Somaliland Maxamed Xaaji Aadan iyo Wasiirka Maaliyada Khaatumo Xassan Muuse Cawl.
"Shirkan waxaa uu ku saabsanaa dhisidda ajandaha shirka loo dhan yahay
waxana ku celinaynaa gudiga 16ka bishan waana isku afgaranay" sidaa
waxaa yiri Maxamed Xaaji Aadan.
Sidoo kale Xassan Muuse Cawl ayaa ku raacay isagoo intaas raaciyey "waxaan
leeyahay dadku ha aaminaan wanaagna saadaaliyaan"
Shirkan waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin labada dhinaca ah oo ay kamid
lahaayeen Keyse Cabdi Yuusuf W. Amniga Khaatumo, Saleebaan Ciise Xaglotoosiye
iyo siyaasi aad uga dhexmuuqda wadahadalada xilna aan hayn Baashe Cali
Jaamac.
Kulankan oo la shaacin wixii laysla qaatay ayaa shaki ay fiiqsadeen dadka
degaanada Khaatumo metelayso, taas oo haatan ay hoos u dhac ku imaanayso marba
marka ka danbaysa, waxaan la ogaan doonaa 16 bishan.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]