Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo ay saaka aroortii la wareegeen Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa haatan lagu soo warmayaa in ay xaaladeedu tahay mid kacsan, ayadoo xoogaggii Alab-shabaab ee saaka soo weeraray ay isaga baxeen.
"Xaaladda magaalada way kacsantahay, Al-shabaab way ka baxeen, ciidamadii kalena ma soo gaarin, laakiin waxaan maqleeynaa rasaas," sidaa waxaa yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo isagoo magaciisa qarinaya la hadlay shabakadda HOL.
Shariif Axmed Taajir oo kamid ah warieyayaasha ka howlgala Baladxaawo oo markii uu dagaalka dhacayay ku sugnaa magaalada ayaa HOL u sheegay in dagaalku ahaa mid xooggan oo ay labada dhinac is weeydaarsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.
"Xerada 1-aad ee ciidamada oo ku taallay duleedka bari ee magaalada ayaa lala wareegay, waxaa lagu weeraray gaari UD Qarax laga soo buuxiyay iyo weerar toos ah, ciidamadii ku sugnaana way isaga baxeen," Ayuu hadalkiisii raaciyay.
Dadka deegaanka ayaa inoo Xaqiijiyay in Shabaab ay toogasho ku dileen nin ka ganacsan jiray gaadiidka oo lagu magacaabo Faysal Cabdi Cali, kaa oo la sheegay in ay gurigiisa kala baxeen.
Ciidamadii ku sugnaa Baladxaawo ayaa la sheegay in ay dib isu soo abaabuleen, haataanna ay ku wahanyihiin degmada oo ay Al-shabaab isaga baxeen.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in dad badan oo shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay madaafiic lagu soo tuuray magaalada.
Weerarkii saaka ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow saraakiil ka tirsan ciidamada Jubaland oo aan la xiriirn ay inoo sheegeen in ay dib faahfaahin ka bixin doonaan.
Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama soo saarin dhacdadan, mana jiraan warar madax bannaan oo qeexaya qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Faahfaahin ku saabsan dagaalka saaka ka dhacay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo
More News
- Warar dheeraad ah Qarax ka dhacay Isgooyska Dabka ee magaalada Muqdisho Sawirro
- Wadahadal Somaliland iyo Khaatumo ugu soo dhamaaday Caynabo
- Qarax goor dhaw ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho
- Aqalka sare oo dib u dhigay dooddii ay maanta ka yeelan lahaayeen kiiska Qalbi-Dhagax
- Al Shabaab oo ka hadlay mashruuca maamulka Gobolka Banaadir uu ku shaqaaleysiinayo 1,000-ka dhallinyaro
- Wasiirka Gaashaandhigga “Ciidanka dowladda waxaa loo diyaarinayaa sidii ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen ammaanka dalka”
- Xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta ka doodaya mowqif-kooda ku aadan wareejintii Qalbi-Dhagax iyo go’aankii xukuumadda
- R/Wasaare Khayre oo xarigga ka jaray Xafiisyo lagu qabto Cabashooyinka dadweynaha
- Faah-Faahin: Kooxo hubeysan oo Suuqa-Bakaaraha ku dilay haweeney la joogtay seygeeda
- Al-Shabaab oo maanta dagaal kula wareegay degmadda Beled Xaawo ee gobolka Gedo