Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) – Gaari miineysan, ayaa lagu Qarxiyay iridka hore ee laga galo Hotel Wehliye ee magaaladda Muqdishu.
Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhaawacmay Qaraxa, lama oga ilaa iyo hadda dadka ku geeryooday qaraxa.
Laama amaanka ee dowladda ayaa soo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay.
Hotel wehliye, waxa uu aad ugu dhowyahay, Hotel Dayax oo bishii January lagu dilay 28 ruux, kadib markii weerar ay ku qaadeen Al Shabaab.