
Arbaco, Janaayo, 11. 2017 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleed Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa goor dhaw oo maanta ah ka degay magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.
Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay
Cabdikariin Xuseen Guuleed, Masuuliyiin ka tirsan Galmudug, saraakiil ciidan oo
ka tirsan dowlad iyo AMISOM iyo dad aan
sidaa u tiro badneyn.
Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Galmudug iyo xubnaha la socday ayaa
tagay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Cadaado, waxa ayna halkaasi kulamo kula
leeyahay masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug iyo waxgaradka magaalada
Cadaado.
Dhinaca kale dibadax looga soo horjeeday
Cabdi Kariin Xuseen laguna taageerayay xil kaqaadistii Baarlamaanka Galmudug ku
sameeyeen ayaa manata ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Cadaado.

Dibadaxa waxaa soo qaban qaabiyay shcabka ku dhaqan magaalada
Cadaado ,kuwaa oo muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin in Xilkii laga qaaday
madaxweynaha Galmudug, waxa ayna bogaadiyeen go'aankii ay gaareen baarlamaanka
Galmudug.
Ugu danbeyntii, magaalada
Cadaado ayaa laga dareemayaa xiisad siyaasad oo ka dhax aloosan Baarlamaanka
maamulka Galmudug iyo hogaanka sare ee maamulkaasi, C/Kariin Guuleed ayaan iska
diiday xil ka qaadistii shalay lagu sameeyay.
[email protected]