Arbaco, Janaayo, 11,. 2017 (HOL)-Waxaa soconaya saacadihii ugu danbeeyay diyaargaroowga doorashada guddoonka baarlamanka Soomaaliya, waxaana xiligan diyaar ku ah xarunta gollaha shacabka howlwadeenada baarlamaanka iyo inta badan warbaahinta Soomaalida oo la filayo in ay soo tabiyaan doorashada.
Doorashada ayaa ah mid xiiso
gaar ah leh, waxaana musharaxiinta xilka gudoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya
kala taageersan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha
Soomaaliya.
,Musharixiinta ugu cad cad
doorashada ayaa kala ah Xildhibaan Max’ed Cismaan Jawaari iyo Xildhibaan
C/rashiid Max’ed Xidig, kuwaa oo la filayo in wareega ugu dambeeya isugu
soo hari doonaan midkoodna laga yaabo in uu guuleesto.
Doorashada ayaa ah mid adag oo aan
la saadaalin karin cida kusoo baxeysa, Musharaxiinta ayaana saacadihii ugu
dambeeyay waday olole xoogan ay ku doonayaan sidii ay ugu guuleesan lahaayeen
Kursigan.
Ugu danbeyntii, amniga xarunta
doorashada ka dhaceysa iyo wadooyinka soo gala ayaa si weyn loo adkeeyay,
waxaana la xiray Wadooyin muhiim ah oo kuyaala magaalada Muqdisho si looga
hortago in la carqaladeeyo inta doorashada ay socoto.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]





