4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 28, 2017
Cali Khaliif Galeyr oo fariin u diray madaxweynaha cusub ee Somaliland

 

Khamiis, December, 28, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa fariin u diray madaxweynaha cusub ee Somaliland, isaga oo ka dalbaday in la fuliyo heshiiskii maamulkiisa uu la gallay xukuumadii Siilaanyo.

Wuxuu sheegay Cali Khaliif Galeyr intii ay socotay ololaha doorashada madaxweynaha Somaliland in ay is arkeen Saddexdii Musharax ee u tartamaysay xilka Madaxweynaha Soomaaliland.

Sidoo kale Cali Khaliif ayaa sheegay Madaxweynaha cusub ee Soomaliland Muuse Biixi Cabdi uga fadhiyaan dhaqan gelinta heshiiskii ay wada gaareen Maamulada Khaatuma iyo Soomaaliland.

Cali Khaliif ayaa ku tilmaamay Somaliland-ta cusub in ay tahay mid aan loo dhameyn loona baahan yahay in la sameeyo Cadaalad iyo sinnaan, isaga oo sidoo kale ugu baaqay in laga wada shaqeeyo Xasiloonida degaanada Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]