
Khamiis, December, 28, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalintii shalay khudbad ka horjeedinayay xildhibaannada Baarlamaanka maamulka ayaa sheegay in Hirshabeelle wajaheyso sida uu hadalka u dhigay coleys uga imanay Al-shabaab.
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in deegaannada uu ka arimiyo maamulka ay soo gaareen sida uu hadalka u dhigay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka soo firxanaya duqeymaha cirka Mareykanka ee gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Laakiin waxaa uu intaa raaciyay sida ay xogta ku hayaan in xoogagga Al-shabaab ee xiligan ku sugan Hirshabeelle isku diyaarinayaan in ay uga sii gudbaan dhinaca Puntland oo ay ku wajahan yihiin.
‘’Sida aan xogta ku heyno dagaalamayaasha Al-shabaab ee halka ku sugan waxaa ay ku sii socdaan deegaannada Puntland’’ ayuu yiri madaxweynaha maamulka HIrshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Maamul ahaan ayuu sheegay in ay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isaga oo sidoo kale shacabka ka dalbaday in ciidamada Ammaanka ay la shaqeeyaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]