Isniin, Augusto, 28, 2017 (HOL)- War
qoraal ah oo ka soo baxay madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Cabdixakiin
Cabdullaahi Cumar ayaa shaqada looga joojiyey taliyaha Ciidamada Booliska
Puntland Jen, Cabdulqaadir Faarax Shire (Ereg).
Qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa lagu
sheegay in shaqadii laga joojiyay taliyaha ciidamada Booliska Puntland.
Laakiin amarka ka soo baxay madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku gacan seyray oo
sharci daro ku tilmaay taliyaha booliiska Puntland C/qaadir Shire Faarax
(Ereg) oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe.
Taliye Ereg ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Cameey uu isaga ku
amray in uu taliye qeybeed xilka ka qaado, laakiin uu Ereg ku jawaabay in madaxweynuhu warqad uu soo qoro, waana tan keentay ayuu yiri in shaqo joojinta.
Taliyaha booliiska Puntland ayaa sheegay in 13 dhallinyaro ah oo la xiray
caddeyn la’aan uu Taliye qeybeed xabsiga ka siidaayay kaddib markii ay
xirnaayeen 5 maalmood,Maxkamad la’aanna ku jireen, isaga oo intaas ku daray in
qeybta garsoorka soo aragtay, taas oo uu ka carooday Camey.
Akhriso wareegtada shaqo joojinta :
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]