Isniin, Augusto, 28, 2017 (HOL) –Guddi wasiiro ah ayaa maanta ku wajahan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo jimcihii lasoo dhaafay howlgal ay fuliyeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Maraykan-ka lagu dilay 10 qof oo rayid ah oo 3 ay carruur ahaayeen.
Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar), ayaa 26-kii bishan guddi u saaray dhacdadii deegaanka Bariire, waxaana uu sheegay in muddo 5 maalmood gudahood ay guddigaas warbixin buuxda ay ka keenaan sidii ay wax u dhaceen.
“Guddiga oo uu guddoomiyaha u yahay wasiirka amniga waxaa looga fadhiyaa muddo Shan cisho ah ay jawaaab uga keenaan dhacdada ka dhacday deegaanka Bariire “sidaas waxaa yiri ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya.
Ehelada dadkii dhawaan lagu dilay deegaanka Bariire ayaa diiday in ay meydadka aasaan, ilaa sida ay hadalka u dhigeen dowladda Soomaaliya ka qiraneyso in ay ka danbeysay dilka dadkan rayidka ah.
10 ruux ayaa la toogtay kaddib weerar ay wada jir uga fuliyeen degmada Bariire oo 50 km u jirta caasimada Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ah Jimcihii ina dhaafay.
Ali Nur oo ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in aan dadkan la aasi doonin ilaa dowladda ay ka qiraneyso lagana bixiyo Magdhaw.
‘’Sababta aan u diidnay in aan Aasno waa dowladda oo aan wali qirsaneyn in ay dilkan geystay ayuu yiri Ali Nuur oo la hadlay Reuters.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia