
Sabti, Sitember 24, 2016 (HOL)-Dagaal ayaa xalay ku dhex maray Jawhar ciidamo ka wada tirsan ciidamada Dawlada Federaalka.
Dagaalka ayaa bilowday xalay kadib markii ciidamadaasi ay kala shakiyeen. Labo askari ayaa dirirtaa ku dhimatay inta la xaqiijiyay.
Sidoo kale ayaa waxaa dhaawacmay haweeney iyo cunug yar oo xabbado miifto ah ay guryahooda ugu tageen, xaafadaha dhexdooda.
Labada qof ee dhaawaca ah ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalo magaaladaa Jawhar ku yaala.
Guud ahaan xaalada magaalada Jawhar ayaa saaka daggan kadib israsaaseyntaa xalay ciidamadaa halkaa ku dhex martay.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]