
Sabti, Sitember 24, 2016 (HOL)-Doodii labaad ee dhanka Soomaaliya ee muranka badda ayaa shalay soo xirtay dhagaysigii dacwadaa oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka socotay maxmada ICJ ee magaalada the Hague, Netherlands.
Kenya ayaa ku doodeysay inaysan maxkamadaasi ICJ aysan kiiskaa dhageysigiisa qaadi kareyn. Balse darafka Soomaaliya ayaa ku andacoonayay in maxkamadu ay qaadi kareyso dacwadaa go'aana kasoo saari kareyso maadaama uu yahay kiisku mid la xiriira muran xaduud caalami ah oo dhanka badda ah.
Dooda ayaa waxaa ku cadcadaa qareenada Soomaaliya u doodayay ayadoo dooda Kenya oo Isniintii iyo Khamiistii ay soo jeediyeen qareenadeedu aysan adkeyn innaba Kenyana ay u muuqatay inaysanba lahayn qeybtaa badda ah ee lagu dooday.
Go'aanka maxkamada ee arinkaa ku saabsan ayaa la filayaa inuu soo baxo muddo dhowr bilood ah kadib.
Badda la isku hayo ayaa dhan 42,000km2. Go'aanka maxkamada ayaa noqon doona kama dambeys.
Hadii maxkamadu ay go'aamiso in aysan go'aan ka gaari karin arinkaa ayaa waxaa loo dib dhigi doonaa in mar kale lagu xalliyo xaal xaal diblomaasiyadeed arinka.
Soomaalida ayaa aad ugu dhag taageysa waxa kasoo bixi doona arinkaa muranka ah oo laisku hayo kheyraad kujira qeybta badda ah ee muranka la galiyay.
Kenya ayaa dooneysa in loo wado xarriiqa xadka badda dhanka Soomaaliya arinkaa oo aan Soomaalida una cuntamayn una muuqda mid aan ku habbooneyn maadaama dhul daakhilka Soomaaliya ah uu ku aadayo.
Soomaalida ayaa ku qanacsan in xarriiqa si xarriiqa xadka berriga waafaqsan loo mariyo meesha taasoo xaq ah.
Kenya ay dooneyso in kiiska maxkamada la laalo oo waan waan lagu xalliyo arinka.
Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay saaciday muddo dheer ayna tahay in badda qeybtaa aysanba Soomaalidu ku qabsan arinkaas oo wax lala yaabo noqda, dhul dhan ama bad dhan oo wadan leeyahay oo lagu qaadanayo, 'waan ku saaciday iwm ee ii daa'.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]