Isniin, September 12, 2016 (HOL) —Magaalooyinka kala duwan ee deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa guud ahaanba maanta looga dabaaldegay munaasibadda ciidda barakeeysan ee Ciidul Adxa, ayadoo dadka Muslimiinta ah ee ku nool daafaha caalamka ay maanta u ahayd maalin farxadeed oo gaar ah.
Gobollada J/hoose, J/dhexe iyo Gedo ayaa maanta laga ciiday, waxaana shacabka ku dhaqan gobolladaasi ay isugu soo baxeen fagaareyaal kala duwan oo ay ku oogayeen salaadda ciidda.
Magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ee Jubaland ayaa kamid ahayd goobaha laga dareemayay u dabaaldegga ciidda, ayadoo salaadda lagu oogay fagaareyaal kala duwan oo ay isugu soo baxeen boqollaal dadweeyne ah.
Xarunta Madaxtooyada Jubaland ayaa kamid ahayd goobaha ay madaxda ku oogeen salaadda, waxaana halkaasi si wadajir ah ugu tukaday, wasiirro, xildhibaanno, odoyaal dhaqameed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Jubaland, ayadoo uu kamid ahaa madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam.
Salaadda kadib ayaa waxaa halkaasi khudbad dhinacyo badan taabaneeysa ka jeediyay madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam, Isagoo hambalyada ciidda u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed.
Madaxweeynaha ayaa ka warbixiyay shirka madasha wadatashiga qaran ee ka soconay Muqdisho, isagoo rajo ka muujiyay shirkaasi, sheegayna in uu rajeeynayo in ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
SAWIRRO: Deegaannada Jubbaland oo Maanta si weyn loogu Dabaal-dagay Munaasabada Ciidda
More News
- SAWIRO: Magaalooyinka Tromsø Dalka Norway & Atlanta, Georgia ee Mareykanka oo laga Ciiday
- Daawo: Warbixin Sida maanta looga Ciiday magaalada Melbourne, Ausralia
- Beesha Caalamka iyo Isbahaysiga Is-bedel-sameynta Soomaaliyeed oo ku kulmay Muqdisho (SAWIRRO)
- SAWIRRO: Sida Shacabka Muqdisho ay Maanta ugu Ciideen Xaafadda Daaru-salaam, Muqdisho
- DAAWO SAWIRADA: Sida looga Ciiday Maanta Magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan
- C/Qaadir Jaamac Barre: Waxaan ka danqaday xanuunka lixaadka leh ee gaaray karaamada ummada Soomaaliyeed
- Madaxweynaha Jubbaland oo Arrimo badan uga Hadlay Khudbadiisii Ciidda ee Maanta [DAAWO]
- SAWIRRO: Gobollada Somaliland oo si weyn loogu Dabaal-dagay Maalinta 1-aad ee Ciida Carafo
- Magaalada Bosaaso oo si weyn looga Ciiday iyo xubno ka tirsan dowladda oo Shacabka la Tukaday (Sawirro)
- Diyaaradaha Droneska oo dusha kala socda xujeyda buurta Carrafo taagan
- DAAWO: Ururka KA-JOOG oo ku Guulaysatay Abaal-marinta CITY OF PEACE AWARDS (SAWIRRO)
- Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiaan oo laga oogay Maanta Salaadda Ciidul-Axda [SAWIRRO]
- Musharraxa Madaxweyne ee Wadanka Mareykanka HILLARY CLINTON oo ka dhacday Is-taagga
- Ciidul Adxa oo aad looga dabbaal dagayo Islii, Nairobi Kenya Maanta
- Mucaaradka Liibiya oo sheegay inay dagaal ku qabsadeen Dekedo laga Dhoofiyo Shidaalka Dalkaas
- Madaxweynaha oo boqollaal dad ah kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga Islaamka (SAWIRRO)
.png)
.png)
.png)
.png)
.png)
.png)
.png)
.png)