Aroornimadii hore ee saaka, ayaa dad aad u tiro badan waxey iskugu tageen Garoon lagu ciyaaro Kubada Gacanta oo ku yaallo agagaarka wadada Memorial Drive ee xaafada Stone Mountain ee degmada DeKalb oo uu kireeyay Masaajidka Sunnah oo ah Masaajidkii ugu horeeyay oo Soomaali ay ka dhiseen North America.
Sheekh Nuux Sheikh Ciise oo ah Imaamka Masaajidka Sunnah; isla markaasna Salaaddii Ciida maanta ku tujiyay boqolaal qof Garoonka Action Sports Academy, ayaa khudbadiisii Salaadda ka danbeysay wuxuu oga hadlay Cabsida Alle iyo in la-is-cafiyo; dadkuna ay ka shaqeeyaan nabada iyo walaaltinimo in lagu wada noolaado.
Imaamka, ayaa ku booriyay dadkii ka qeyb galay salaadaas iney baariyaal u noqdaan waalidiintooda sidoo kalana farxada ciida darteeda ay xiriiriyaan Ehelka iyo Qaraabadooda.
Ugu dambeyntii, Dad badan ayaa iyagna maanta ku kala tukaday Salaadda Ciida Masaajida Al-Mu’miniin iyo Towxiid oo ku yaallo isla magaalada Atlanta.
Najah Mohamed Ali, Hiiraan
Online
E-mail: [email protected]
Atlanta, Georgia – Mareykanka
Soomaalida ku nool Magaalada
Tromsø Norwey oo u dabaal-dagay Ciida CARRAFO
Iyadoo maanta ay tahay
Maalintii 1-aad ee Ciidul-Adxaa, ayaa waxaa Muslimiinta ku Nool Magaalada Tromsø
oo ay Soomaalida qeyb ka tahay waxa ay ku dukudeen Salaaddii Ciidda gudaha
hoolka Tromso Hallen oo ku yaalla Magaalada Tromsø, Nowray waxaa isugu yimid
hoolkaas boqolaal muslimiin ah oo ku kala nool gudaha iyo daafaha magaaladani.
Soomaalida ku nool magaalada Tromsø iyo ajaaniibta kale ee islaamka ah ayaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya maalintaan aadka u qiimaha badan ee lagu maamuusayay ciida carrafo, waxaana sidoo kale isu soo baxay dhammaan Odeyaasha, Waxgaradka, Haweenka, Dhallinyarada iyo Caruurta ku nool Tromsø oo si weyn looga dareemayay farxadda Ciidda.
Qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa farxaddooda la wadaagay Ummadda Islaamka ah ee ku nool daafaha Caalamka oo dhan, iyagoo ka dalbday qof kasta oomuslim ah inuu gargaaro walaalahooda aan awoodin inay ka farxiyaan caruurtooda.
Ugu dambeyn, Culumada Magaalada Tromsø, ayaa iyaguna soo bandhigay Muxaadarooyin diini ah oo ku saabsan ahmiyadda ay leedahay weyneenta ceynkaan oo kale ee Ciidul-Adxa maadaama ay malaayiin Muslimiin ahi Guteen Waajibaadka xajka iyagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay is cafiyaan oo ay u Duceeyaan Dalkooda si uu u noqdo dal xasilloon oo ka gudba marxaladaha aan wanaagsaneyn.
Maxamed C/qaadir Daahir
[email protected]
Magaalada Tromsø, Norway


