4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2016
Mid ka mid ah murashaxiinta aqalka hoose ee Puntland kasoo gali lahaa oo soo saaray qoraal cabasho ah


Axad, Nofeembar 27, 2016 (HOL)-Dr. C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo ka mid ahaa murashaxiintii aqalka hoose ee Puntland kasoo gali lahaa ayaa qoraal cabasho ah soo saaray kaasoo uu uga cabanaayo in laga musuqmaasuqay hannaankii lagu soo dooran lahaa.

 Qoraalka ayuu u gudbiyay guddiga xallinta khilaafaatka doorashooyinka dadban.

"Waxaan guddiga sharafta leh ee xallinta khilaafaadka u  soo gudbinayaa caddaalad  darro  iyo  is-hortaag  lagu  sameeyey  hannaankii  iyo waxqaybsigii ay ku heshiiyeen Beelaha Baha-Nugaaleed ee Dhulbahante xubnaha baarlamaanka ee aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka kuwaas oo buuxiyey tallaabooyinkii loo dajiyey habraaca doorashada ee khuseeya xulidda xildhibaanada aqalka hoose 2016". Qoraalkii ayaa sidaa lagu xusay.

Sharuudaha habraaca tallaabooyinkaas doorashada ee khuseeya xulidda xildhibaanada aqalka hoose ee 2016 waxaa kujira, in la sameeyey wadatashi ballaadhan oo   dadaal xoog leh loo galay in  ay    Beelaha Baha-Nugaaleed dhammaantood ay ka soo qayb-galaan; in loo qoondeeyey  beelaha Xasan Ugaas, Cabdi Garaad (ama loo yaqan Qayaad) iyo Yaxye saddexda xubnood ee beelaha Baha- Nugaaleed ay ku leeyihiin aqalka hoose ee baarlamaaanka Federaalka.

Ka dib markii loo gudbiyey go’aankii beelaha Guddiga Doorashada Dadban ee Dawlad goboleedka Puntland waxay beelaha siiyeen foomamkii lagu soo qorayay magacyada ergooyinka, waxaana loo buuxiyey si waafaqsan shuruudihii looga baahnaa waxaana saxiixay issimka Baha Nugaaleed ugu jira 135ka saxiixayaasha oday dhaqameedka.

Wuxuu intaa kadib sheegay in asagoo sharuudaha waafaqay hadana murashaxiintii uu ka midka ahaa ee Baha Nugaaleed hakad  laga  galiyay    inay  helaan  waraaqihii  looga  baahnaa  inay  soo buuxiyaan murashaxiinta.

"Waxaan guddiga sharafta leh ee xallinta khilafaadka la socodsiinayaa ka dib markii aan buuxinay shuruudahaas kor ku xusan in guddiga doorashada dadban ee Puntland murashaxiintii aan ka mid ahaa ee Baha Nugaaleed hakad  laga  galiyey    inay  helaan  waraaqihii  looga  baahnaa  inay  soo buuxiyaan murashaxiinta".  Sidaa ayuu cabashada ku xusay Dr. C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Marka laisku soo xoorsho, ayaa sababaha keenaya cabashadiisa waxaa kujira in warqadda summadeedu tahay: MWK/DPS/439/2016 uu 16/10/2016 Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland  u diray guddiga doorashada dadban taasoo ciwaanka ujeedadeedu ahaa “Go’aan ka Gaarid Xubnaha Aqalka Hoose ee Baha-Nugaaleed iyo Axmed Garaad; in muddo ka dib markii Madaxweyne Ku Xigeenku  ogaaday  qoraalkiisu inuu xadgudub iyo faragelin ku yahay xeerka doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka federaalku uu dib u la noqday warqaddaas kor ku xusan; in intaa dabadeed guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee dawlad-goboleedka Puntland telefoon ku wargeliyey Madaxweynaha Puntland Md. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in xubintii loo qoondeeyey beesha Cabdi Garaad lagu bedelo beesha Khaalid; in Khaliif Aw Cali, Guddoomiyaha doorashada dadban ee Puntland la xiriiray Ugaas Saleebaan Ciise Nuur oo ah saxiixaha Baha Nugaaleed  inuu yimaado  xarunta  guddiga  si  loogu  sheego  arrin  khusaysa taas  oo  ah  in Madaxweynaha Puntland gaaray go’aan ka duwan kii ay Baha Nugaaleed horay u gaareen; in guddoomiye Khaliif si cad ugu sheegay Ugaas Saleebaan Ciise Nur in beesha Cabdi Garaad uu madaxweynuhu ka qaaday qoondadii xildhibaanka ee loo cayimay laguna wareejiyo beesha Khaalid; in  Ugaas Saleebaan Ciise si cad ugu sheegay guddoomiye khaliif   in go’aanka telefoonka ee madaxweynaha ka yimid uu lid ku  yahay go’aankii ay gaareen beelaha Baha Nugaaleed ee qaybsiga xubnaha aqalka hoose iyo hannaanka doorashada 2016 kaas oo awood siinaya qof ka mid ah 135ka oday dhaqameed oo keliya; in  beesha  Cabdi  Garaad  oo  uu  hogaaminayo  wakiilka  Garaad  Cali Buraale Xasan (Jaamac Cabdiraxmaan Buraale), xildhibaanka beesha Cabdi Garaad  ee   Baarlamaanka  Puntland,  Wasiirkii  hore  Wasaaradda Caddaaladda ee Puntland Ismaciil Maxamed Warsame iyo labada murashax ee beesha Cabdifataax Maxamed Shire iyo Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ay la kulmeen Guddiga Doorashada Dadban ee Puntland; in kulankaas guddoomiye Khaliif aw Cali uu si cad u sheegay inuu fulinayo go’aankii madaxweynaha uu beesha kaga qaaday xubintii xildhibaanimo uuna ku siiyey beesha Khaalid  asagoo intaas ku sii daray guddoomiyuhu in madaxweynuhu awood u leeyahay inuu isku-bedelkaas samayn karo; in markii asaga Dr.  Cabdiraxmaan  Maxamed  Cabdi  Xaashi  uu u sheegay guddoomiyaha guddiga in go’aanka madaxweynuhu uu xadgudub ku yahay xuquuqda ay beesha Cabdi Garaad u leedahay ka qaybgalka doorashada uuna xaq u leeyahay in guddigu murashax ahaan  u siiyo foomkii murashaxiinta kale la siiyey oo uu aaminsan yahay in xubintan uu Ugaas Saleebaan Ciise oo ah qofka keliya ee awooddaas sharcigu siiyey uu u qoondeeyey  beeshiisa (Cabdi Garaad) ka dib markii uu la tashaday issimada Baha Nugaaleed ay u caddaatay in guddoomiye Khaliif  aqbalay go’aannkii ka yimid madaxweynaha ee  beesha Cabdi Garaad xubintoodii looga qaaday sidaa darteedna aanu diyaar u ahayn inuu siiyo foomka murashaxnimada; iyo in ugu dambeyn uu ka codsaday guddoomiye Khaliif in uu siiyo qoraal sababaysan oo qeexaya asbaabta diidmada foomka codsigiisa maadama uu aaminsan yahay in beesha Cabdi Garaad ay xaq u leedahay xubinta loo qoondeeyey balse guddoomiye Khaliif aw Cali uusan codsigaa jawaab ka siin.

Sababaha uu u tirinaayo in ay ka dambeeyeen in laga hor istaago xaqiisa ka muwaadin ahaan iyo ka murashax ahaan ayaa waxaa kujira in madaxweyne Gaas iyo asagu ay murashaxiin madaxweyne wada ahaayeen sanadkii 2012; in madaxweyne Gaas taageersan yahay madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud sidaa darteedna murashaxiinta loo maleynayo in madaxweyne Xassan in mar kale lasoo doorto ay ka hortagaan oo dhan la diidan yahay inayba aqalka hoose ee baarlamaanka federaaliga ah kuraas ka helaan.

Dr. C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ah aqoonyahan ku takhasusay culuumta dhaqaalaha wuxuuna PhD ka heystaa culuumtaa wuxuuna muddo ka badan 15 sano usoo shaqeeyay Baanka Aduunka ee World Bank asagoo sidoo kalena shirkado kale oo muhiim ah kasoo shaqeeyay.

Aabihii Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa dadkii 1998 aasaasay dawlad goboleedka Puntland asagoo madaxweyne ku-xigeen ka noqday Puntland.

Markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee C/Laahi Yuusuf loo doortay xilka madaxweyne ee Soomaaliya, aabihii Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu noqday madaxweynaha Puntland.

Hadaba, Dr. C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi  ayaa Guddiga Xallinta Khilaafaadka si xushmad leh uga codsanaya in uu wax ka qabto fargelinta iyo cadaalad darada uu sheegay in madaxda u saraysa dawlad goboleedka Puntland iyo guddiga doorashada dadban ee Puntland oo uu sheegay in ay lumiyeen doorka madax bannaanida ee laga filayay ay ku hayaan beesha Cabdi Garaad.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]

LIFAAQYO Cabashadu kujirto hoos ka eega fadlan:

KU : Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Dawladda

Federaalka 2016

 

OG : Guddiga Doorashada Dadban Federaalka 2016

 

OG: Guddiga Doorashada Dadban ee Dawlad-goboleedka Puntland

 

Garoowe, 23/11/2016

 

 

 

UJEEDDO : Cabasho - Xadgudub Murashax Aqalka Hoose ee

 

Baarlamaanka Federaalka

 

Waxaan guddiga sharafta leh ee xallinta khilaafaadka u  soo gudbinayaa caddaalad  darro  iyo  is-hortaag  lagu  sameeyey  hannaankii  iyo waxqaybsigii ay ku heshiiyeen Beelaha Baha-Nugaaleed ee Dhulbahante xubnaha baarlamaanka ee aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka kuwaas oo buuxiyey tallaabooyinkii loo dajiyey habraaca doorashada ee khusaysa xulidda xildhibaanada aqalka hoose 2016.

 

Tallaabooyinkaas waxa ka mid ah:

 

  Waxaa la sameeyey wadatashi ballaadhan oo   dadaal xoog leh loo galay in  ay    Beelaha Baha-Nugaaleed dhammaantood ay ka soo qayb-galaan (Eeg Lifaaqa 1aad).

 

  Waxaa loo qoondeeyey  beelaha Xasan Ugaas, Cabdi Garaad (ama loo yaqan Qayaad) iyo Yaxye saddexda xubnood ee beelaha Baha- Nugaaleed ay ku leeyihiin aqalka hoose ee baarlamaaanka Federaalka (Eeg Lifaaqa 2aad).

 

  Ka dib markii loo gudbiyey go’aankii beelaha Guddiga Doorashada Dadban ee Dawlad goboleedka Puntland waxay beelaha siiyeen foomamkii lagu soo qorayey magacyada ergooyinka, waxaana loo buuxiyey si waafaqsan shuruudihii looga baahnaa waxaana saxiixay issimka Baha Nugaaleed ugu jira 135ka saxiixayaasha oday dhaqameedka .

 

Waxaan guddiga sharafta leh ee xallinta khilafaadka la socodsiinayaa ka dib markii aan buuxinay shuruudahaas kor ku xusan in guddiga doorashada dadban ee Puntland murashixiintii aan ka mid ahaa ee Baha Nugaaleed hakad  laga  galiyey     inay  helaan  waraaqihii  looga  baahnaa  inay  soo buuxiyaan murashaxiintu.


 

SABABAHA KEENAY CABASHADAYDA :

 

Waxa ka mid warqadda summaddedeedu tahay Ref: MWK/DPS/439/2016,

16/10/2016 ee Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo u diray guddiga doorashada dadban oo ciwaanka ujeedadeedu ahayd “Go’aan ka Gaarid Xubnaha Aqalka Hoose ee Baha-Nugaaleed iyo Axmed Garaad.” (Eeg Lifaaqa 3aad)

 

Mudo ka dib markii Madaxweyne Ku Xigeenku  ogaaday  qoraalkiisu inuu xadgudub iyo faragelin ku yahay xeerka doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka federaalku ayuu dib u la noqday warqaddaas kor ku xusan.

 

Intaa dabadeed waxaa guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee dawlad-goboleedka Puntland telefoon ku wargeliyey Madaxweynaha Puntland Md. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in xubintii loo qoondeeyey beesha Cabdi Garaad lagu bedelo beesha Khaalid.

 

Waxaa  Khaliif Aw Cali, Guddoomiyaha doorashada dadban ee Puntland la xiriiray Ugaas Saleebaan Ciise Nuur oo ah saxiixaha Baha Nugaaleed  inuu yimaado  xarunta  guddiga  si  loogu  sheego  arrin  khusaysa taas  oo  ah  in Madaxweynaha Puntland gaaray goaan ka duwan kii ay Baha Nugaaleed hore u gaareen .

 

Wuxuu guddoomiye Khaliif si cad ugu sheegay Ugaas Saleebaan Ciise Nur in beesha Cabdi Garaad uu madaxweynuhu ka qaaday qoondadii xildhibaanka ee loo cayimay laguna wareejiyo beesha Khaalid.

 

Wuxuu   Ugaas Saleebaan Ciise si cad ugu sheegay guddoomiye khaliif   in go’aanka telefoonka ee madaxweynaha ka yimid uu lid ku  yahay go’aankii ay gaareen beelaha Baha Nugaaleed ee qaybsiga xubnaha aqalka hoose iyo hannaanka doorashada 2016 kaas oo awood siinaya qof ka mid ah 135ka

oday dhaqameed oo keliya.

 

Waxa  beesha  Cabdi  Garaad  oo  uu  hogaaminayo  wakiilka  Garaad  Cali Buraale Xasan (Jaamac Cabdiraxmaan Buraale), xildhibaanka beesha Cabdi Garaad  ee      Baarlamaanka  Puntland,  Wasiirkii  hore  Wasaaradda Caddaaladda ee Puntland Ismacil Maxamed Warsame iyo labada murashax ee beesha Cabdifataax Maxamed Shire iyo Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ay la kulmeen Guddiga Doorashada Dadban ee Puntland.

 

Kulankaas guddoomiye Khaliif aw Cali wuxuu si cad noogu sheegay inuu fulinayo go’aankii madaxweynaha uu beesha kaga qaaday xubintii xildhibaanimo uuna ku siiyey beesha Khaalid . Wuxuu intaas ku sii daray guddoomiyuhu in madaxweynuhu awood u leeyahay inuu isku-bedelkaas samayn karo.


 

Anigoo  ah  Dr.  Cabdiraxmaan  Maxamed  Cabdi  Xaashi  waxaan guddoomiyaha guddiga u sheegay in go’aanka madaxweynuhu uu xadgudub ku yahay xuquuqda ay beesha Cabdi Garaad u leedahay ka qaybgalka doorashada. Waxa aan intaa ku daray in aan xaq u leeyahay in guddigu murashax ahaan   i siiyo foomkii murashixiinta kale la siiyey oo aan aaminsanahay in xubintan uu Ugaas Saleebaan Ciise oo ah qofka keliya ee awooddaas sharcigu siiyey uu u qoondeeyey  beeshayda (Cabdi Garaad) ka dib markii uu la tashaday issimada Baha Nugaaleed.

 

Ka dib   waxa noo caddaatay in guddoomiye Khaliif  aqbalay go’aannkii ka yimid madaxweynaha ee  beesha Cabdi Garaad xubintoodii looga qaaday sidaa darteedna aanu diyaar u ahayn inuu isiiyo foomka murashaxnimada.

 

Ugu dambayn, waxaan ka codsaday guddoomiye Khaliif in uu i siiyo qoraal sababaysan oo qeexaya asbaabta diidmada foomka codsigayga madama aan aaminsanahay in beesha Cabdi Garad ay xaq u leedahay xubinta loo qoondeeyey sidaa darteedna aan guddoomiyaha uga codsaday inuu qoraal igu siiyo asbaabta diiddmada foomka murashaxa. Guddoomiye Khaliif aw Cali codsigaygii jawaab igama siin.

 

Sidaa darteed, waxaan Gudiga Xallinta Khilaafaadka si xushmad leh uga codsanayaa in ay soo dhex galaan fargelinta iyo cadaalad darada ay madaxda u saraysa dawlad goboleedka Puntland iyo guddiga doorashada dadban ee Puntland oo lumiyey doorka madax bannaanida ee laga filayey ay ku hayaan beesha Cabdi Garad.

 

 

Allaa Mahad Leh

 

 

 

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi

 

 

 LIFAAQYO:

 

 

 

Lifaaqa 1aad : Shirarkii is-dabajooga ah ee lagaga tashanayey go’aan ka gaarista xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka

2016.


 

Lifaaqa 2aad : Go’aan ka gaarid xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka beelaha Baha Nugaaleed ku yeelan doonan 2016

 

 

Lifaaqa 3aad : Warqadi Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland u diray Guddiga

Doorashada Dadban ee Dawlad Goboleedka Puntland

 

 

Lifaaqa 4aad : Foomka Odey Dhaqameedka ee Guddiga Dowlad Goboleedka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) ee Puntland siisey beesha Cabdi Garad in ay soo buuxiso.

 

 

Lifaaqa 5aad : Liiska Ergooyinka Doorashada ee Guddiga Dowlad Goboleedka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) ee Puntand siisey beesha Cabdi Garad in ay soo buuxiso.

 

 

Odayaasha saxiixeyaasha ah