Guddiga doorashada oo markii ugu horeysay joojiyay natiijada labo xildhibaan oo shalay lagu doortay Jowhar


Axad, November, 27, 2016 (HOL) -War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal ayaa markii ugu horeysay leysku hor taagay natiijada doorashada  labo xildhibaan oo maalintii shalay lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Kuraastan la joojiyay ayaa waxaa maalintii shalay ku kala guuleystay Wasiiru-dowlaha maaliyada xukuumada Soomaaliya C/llaahi Max'ed Nuur iyo xildhibaan Max'ed Abuukar Islow [Ducaalle]

War-saxaafadeedka guddiga doorashada hoos ka Akhriso :





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya