Guddoomiyaha ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan Max'ed C/llaahi Buraale ayaa HOL u sheegay ujeedada tababarkan laga leeyahay tahay in sare loo qaado wacyiga iyo aqoonta dhalinyarada ee la xiriira arrimaha Aas-aaska u ah nolasha bulshada, waxaana uu intaa ku darray in maanta dhalinyarrada wajigan labaad ku baranayaan xaquuqul Insaanka oo ah qodob muhiim ah, gaar ahaan marka la eego dalkeena Soomaaliya oo aad moodo in arinta ku saabsan dhowrista xaquuqda aadanaha tahay meeshii ugu hooseysay.
Tababarka ayaa waxaa ka qeyb-gallaya ilaa 50 dhalinyarro ah oo loo kala qeybiyay 25 wiil iyo 25 hablo ah oo laga soo soo kala xullay degmooyinka gobolka Hiiraan, kuwaa oo si toos ah uga faa'ideysan doona casharada tababaradan xiriirka noqonaya.
''Tababarkaan, Waxaa gacan ka geystay Ururka SUFIS ee Fadhigiisu yahay Dalka Sweden, gaar ahaan Guddoomiyaha ururkaan, Abuukar Caato oo isku howlan sidii uu tababarkan u qabsoomi lahaa,'' ayuu yiri Buraale.
Ugu dabmeyn, Dhallinyarada Tababarkaan ka Qeyb-qaadaneysa - ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo ay madal siddan oo kale ah ku kulmaan dhalinyarro isaga kala timid degmooyinka gobolka, taasoo ay ku tilmaameen Faa'iidada ugu weyn ee laga Dhaxli doono Tababarka marka laga soo tago Casharrada lagu Qaadanayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya







