Deegaanka Cabdalla Biroole, ayaa Saldhig wayn u ahaa Malleeshiyada Al-shabaab oo dadka shacabka ee deeganadaas degan dhibaato xoog leh ku hayey.
Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya, ayaa Saakay Tuulada Cabdalla Biroole si nabad-galyo ah kula wareegey kaddib markii ay Al-shabaab ka bexeen, iyadoo ay Shacabka deegaankaas ku nool si diirran ugu soo dhaweeyeen ciidamada.
La-wareegidda gacan ku haynta Deegaanka Cabdalla Biroole ayaa billow u ah Hawl-galka loogu magac darey wabiga-Jubba ee deegaanada Jubbaland lagaga sifeynayo Maleeshiyada Al-shabaab, iyadoo Dhabar-jab weyn ku ah deegaanada maanta gacantooda kabaxey.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa horey u ballan qaadey inay sida ugu dhakhsiyaha badan u bilaabayaan hawlgalka wabiga-Jubba asagoo ugu baaqey dhalinta la marin habaabiyey inay iskaga soo baxaan duurka deegaanadoodana si nabad ah ugu soo laabtaan.
Arbacadii shalay yahayd, ayay ahayd
markii ay saddex ka mid ahaa Al-shabaab waxay isku soo dhiibeen ciidamada Jubbaland, sida lagu sheegay warbixinta Jubbaland ay soo saartay; iyagoo wata gaari ay kala soo baxsadeen Al-shabaab kuwaasoo Magaalada Kismaayo lagu soo
dhaweeyey laguna xareeyey xarunta dhaqan-celinta dhallinyarada la marin habaabiyay ee
kasoo goosta Al-shabaab.
Ugu dambeyn, Ciidamada Jubbaland ayaa Deeq raashin ah gaarsiiyayShacabka deegaanka C/lla Biroole xilli ay aad ugu baahnaayeen una go,doonsanaayeen maleeshiyada naxariista daran ee Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya