SAWIRO: Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar oo laga billaabay Qaadashada Kaararka Aqoonsiga


Isniin, May 09, 2016 (HOL) — Xaflad lagu daah-furayay Qaadashada kaararka Aqoonsiga, ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho , waxaana ka Qayb-galay Munaasabadda furitaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, saraakiisha ciidanka xubo ka socday, Qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka gobolka, xubno ka socday bulshada Rayidka iyo Qaar kamid ah shacabka ku nool Caasimada loo munaasabada lagu casuumay.

Intii munaasabadu socotay waxaa laga hadlay muhiimadda ay leedahay in dadka Muqdisho ku nool ay qaataan kaararka Aqoonsiga ee Dowladda Hoose, taasoo wax badan ka saacidi doonto Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa khudbad uu goobta ka jeediyay wuxuu baaq uga diray Shacabka Muqdisho, kaasoo ku aaddanaa in Kaararka Aqoonsiga ee Gobolka uu bixinayo ay dadku qaataan.

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa horay u billowday bixita Kaararka Aqoonsiga ah, kuwaas oo dhibaato badan ka dhalatay sida in dadka ay rafaad u maraan helista Kaararka, waxaana markii danbo lagu joojiyay dood ay Baarlamaanka Soomaaliya ka sameeyeen.

Ugu dambeyn, lama oga Sababta keentay in mar kale Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu baaqayo in ay qaataan Kaararka Aqoonsiga ah oo ay bixinayo Dowladda Hoose ee Xamar ama Maamulka Gobolka Banaadir.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya