Madaxweeynaha Jubaland oo sheegay in uu dhawaan ku dhawaaqayo golihiisa wasiirada
Isniin, May 09, 2016 (HOL) —Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dhawaan uu soo dhisi doono golihiisa wasiirada.
Madaxweeynaha ayaa xusay in hadalheynta ugu badan ee ah in uu waqtiga uu kusoo dhisayo golihiisa wasiiradauu kordhisan doono ay tahay wax kama jiraan dhawaanna uu soo dhisi doono golihiisa wasiirada.
Baarlamanka Jubaland ayaa 27-ka bishii March ee sanadkan fadhi ay ku yeesheen magaalada Kismaayo waxa ay 45 maalmood oo dheeri ah ugu kordhiyeen madaxweeynaha mudada uu kusoo dhisayo golihiisa wasiirada, waxaana waqtiga madaxweeynaha loo qabtay ka harsan wax ka yar 15 maalmood.
Waxaa xusid mudan in sedex mar oo hore ay mudaneyaasha baarlamanka Jubaland waqti kordhin u sameeyay madaxweeynaha si uu u helo waqti ku filan oo uu kusoo dhiso xukuumadda tayo leh.
Madaxweeynaha ayaa lagu wadaa in maalmaha foodda nagu so ohayo uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada, ayadoo magaalada laga dareemayo hadalheynta ku aadan xubnaha wasiirada cusub ee la filayo in lasoo dhiso.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- SAWIRRO: Dadweynaha Maroodi-jeex oo sidii la Doonayay aan ugu soo bixin Diiwaan-gelinta
- FAAHFAAHIN: Khasaaraha Weerarkii Xarunta Ciidanka Taraafikada lala beegsaday oo kordhay
- Cabsi laga qabo inuu ku fataho Webiga Shebeelle Magaalada Balaweyne ee G/Hiiraan (SAWIRRO)
- Puntland: Qoysas ay abaartu saameyn ku yeelatay oo Maanta loo Qaybiyay Raashin (SAWIRRO)
- SAWIRO: Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar oo laga billaabay Qaadashada Kaararka Aqoonsiga
- SAWIRRO: Madaxda Qaranka oo Wafdi ka socda Mareykanka kala hadlay Amniga iyo Doorashada
- Madaxweynaha: Taageerada Midowga Yurub waxay gacan ka geysaneysaa horumarka Dalka (SAWIRRO)
- Ururka IGAD oo Qalab ku wareejiyay Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada Somalia (SAWIRRO)
- SAWIRRO: Xisbiga Horumarinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed (CPP) oo Muqdisho looga Dhawaaqay
- WASHINGTON POST: NISA waxay si khasab ah ku askareysaa caruurta ka soo baxda Al-shabaab
- Baarlamaanka Somaliland oo Diiday Xeerka Qandaraasyada Dawlada
- SAWIRRO: Kulan lagu Taageeray Shirka Dib u heshiisiinta Baladweyne oo lagu Qabtay OHIO
- Turkiga oo Gargaar bani’aadamnimo u soo dirtay dadka Soomaaliyeed ee ay Abaartu Saameysay
- Nairobi: Qareeno Soomaaliyeed oo Caawimaad Xagga Sharciga ah Usameynaya Soomaalida Kunool Eastleigh
- Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Goor-dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho