Dagaal khasaare sababay oo ciidammo Dowladda Somalia ka Tirsan ku Dhex-maray Muqdisho


Arbaco, Janaayo 06, 2016 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen iska-horimaad maanta xaafadda Zone K ee degmada Hodan ku dhexmaray ciidammo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Iska-horimaadkan oo socday muddo laba saacadood ah, kaasoo ka billowday dhul la isku-haysto oo ay ciidamada booliiska Somalia sheegeen in amar lagu siiyay inay bur-buriyaan, balse ay kasoo hrojeesteen burburinta dhismayaashii ku yaalla dhulkaas ciidammo ka tirsan ciidammo millateri ah.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in dhismayaasha la doonayay in la bur-buriyo ay deggen yihiin qaar ka mid ah qoysaska ciidamada millateriga ah ee diiddan in la burburiyo.

Goobta lagu dagaalamay ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ay sidan oo kale ugu dhexmareen dagaallo ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Somalia oo doonayay in ay burburiyaan dhismayaashaas iyo kuwo diiddan.

Dagaalka ayaa intuu socday waxaa hakad-galay ganacsiga iyo isku socodka dadka ku nool xaafaddaas, iyadoo markii dambe la sheegay inay ciidamadii uu u dhexeeyay dagaalka kala dhex-galeen cidiammo ka tirsan kuwa AMISOM.

Ugu dambeyn, ciidamada booliiska iyo kuwa millateriga Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka maanta dhexmaray ciidamada dowladda Somalia kawada tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya