Arbaco, Janaayo 06, 2016 (HOL) — Xilli la filayo in 10-ka bisha uu magaalada Kismaayo ka furmo shirweeynaha qaran ee looga tashanayo aayaha Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadka, ayuu Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam waxa uu maanta markii ugu horeeysay tan iyo intii uu xilka madaxtinimo ee Jubaland qabtay gaarayaa magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka KMG ee Galmudug.
Madaxweynaha oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa goordhow ka duulaya garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Degmada Cadaado ayaa waxaa ka soconeeysa u diyaargarow ku aadan soo dhaweynta wafdiga uu hogaaminayo Madaxweeynaha Jubaland ee gaari doono saacadaha foodda nagu soo haya.
Safarkan marka uu soo idlaado ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo ay soo gaaraan madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira si loo ambaqaado shirkii wadatashiga qaran ee doorashooyinka dalka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Madaxweeynaha Jubaland oo markii ugu horeeysay Cadaado Tagaya
More News
- Dagaal khasaare sababay oo ciidammo Dowladda Somalia ka Tirsan ku Dhex-maray Muqdisho
- Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta Tagay Cadaado laguna soo Dhaweeyay (SAWIRRO)
- FAADUMO INSAANIYA: Soomaalida ku Dhaqan Swizerland haka qayb-qaataan dib u dhiska dalka
- DAAWO SAWIRRADA: Aaskii ALLAHA u raxmadee marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif
- SAWIRRO: Somalida Koonfur Afrika oo Qabtay kulan loogu Duceeyay Ugaas C/raxmaan U. Khaliif
- Bandhig Faneedka Nabadda iyo Dib-u-dhiska Tiyaatarka oo lagu qaban doono Muqdisho (SAWIRRO)
- HADLIYE: Ma jiraan Dublamaasiyiin Iiraaniyiin ah oo aanu niri baxa Xiriirkii Iiraanna weli Waa Sidiisii