
Axad, December, 18, 2016 [HOL]-Xarakada Al-Shabaab ayaa labo askari oo dawlada Soomaaliya ciidamadeeda ka tirsan ku dishay degmada Mahadaay, Shabeelaha Dhexe.
Shalay aroor hore ayaa Al-Shabaab xubno ka tirsan oo saarnaa gaari qabaal ah waxay yimaadeen Mahadaay ayagoo halkaa ku dilay labadaa askari. Intaa kadib ayaa Al-Shbaab ay halkaa si iskeed ah isaga baxday.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ay dableydaasi ka tirsan Al-Shabaab timid meeshaa habeynimo tobanka saac intii uusanba Sebtidii shalay waagu baryin.
Guddoomiyaha Mahadaay, Axmed Xuseen ayaa sheegay in ciidamada dawladu isaga sii baxeen magaaladaa kadib markii ay xog ku heleen in xarakada Shabaab ay kusoo wajahan tahay.
'Waxaanu si xeeladeysi ah ugaga baxnay baladka si shacabku u badbaado oo aanan loogu dul dagaalamin. Wax yar ayay joogeen durbana waa ay isaga baxeen kadib markii ay garawsadeen inaanu soo rogaal celin karno oo weerar kusoo qaadi karno markii maalintu dhalato'. Sidaa ayuu yiri Guddoomiye Axmed Xuseen.
Dad cabsanaya oo aanan dooneyn in magacyadooda warbaahinta laga sii daayo kuwaasoo deegaan ah ayaa sheegay in labada askari la dilay kadib markii muddo kooban gudaheed rasaas ay isweydaarsadeen xarakada Al-Shabaab ayagoo markaa askartu ay ku sugneyd bar koontarool oo ku taala afaafka hore ee magaalada laga soo galo.
Mahadaay ayaa ah magaalo beero leh oo 27km u jidha Jowhar, xarunta Shabeelaha Dhexe.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]