Axad, December, 18, 2016, (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in lix ruux oo shacab ah lagu dilay meel duleedka ka ah degmada, kaddib markii qoriga Basuukaha lagu dhuftay gaari hoomey ah oo ay dadkan la socdeen.
Dadka dhintay oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa la sheegay in ay ka anbabaxeen degmada Qoryooley, iyaga oo ku sii jeeday dhinaca magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo ay u sideen qudaar, waxaana lagu waramayaa in meel duleedka ka ah degmada lagu weeraray.
Goob jooge ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dadkan dhintay ka ganacsan jireen qudaarta oo ay u kala gudbin jireen gobollada koonfurta Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in weerarkan ku tuhusan yihiin ciidamada dowladda oo ku sugnaa goobta falka uu ka dhacay.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka dowladda ee gobolka Sh/hoose oo la xirira dadkan shacabka ah ee la dilay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya