Arbaco, August 31, 2016
(HOL) — Rag bastoolado ku hubeysanaa ayaa goor dhaw xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne ku dilay Nabaddoon lagu magacaabi jiray, Cabeey Aadan oo ka mid ahaa
odayaasha magaalada.
Sida laga soo xigtay dad goob-joogayaal ah, Nabaddoonkan ayaa waxaa toogtay labo nin oo bastoolado ku hubeysnaa, xili uu marayay martamaha suuqa xaafadda Howl-wadaag, kuwaa oo markiiba goobta baxsaday.
Ugu dambeyntii , Ciidamada ayaa Gaaray halka ay Toogashada ka dhacday, inkastoo aysan u suurtagalin ay qabtaan raggii toogashda geystay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]
Beledweyne - Soomaaliya