Arbaco, August 31, 2016
(HOL) — Guddoomiyihii Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federaalka
Somalia, Cali Maxamuud Ibraahim [Cali Dheere], ayaa maanta oo
Arbaco ah ku geeriyooday Muqdisho, waxaana Geeridiisa ka tacsiyeeyeen Mas’uuliyiinta
ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Marxuum Cali Dheere, ayaa in muddo ah xanuunsanaa, iyadoo dhawr jeer dibadda loogu qaaday caafimaad, waxaana marxuumku uu muddo ahaa mas’uulka xafiiska shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Somalia ugu sarreeya.
“Allaha u raxmadee, marxuumku wuxuu ahaa mas'uul muddo dheer waddankiisa iyo dadkiisa u adeegayay, muujiyayna Haw-lkarnimo iyo Daacadnimo, Wuxuuna soo qabtay shaqooyin iyo xilal kala duwan. Wuxuu isku-duway , uuna nidaamiyay habka shaqo iyo shaqaaleynta Dowladda Federaalka, isagoo kaashanayay saraakiisha kale ee ka tirsan guddiga rayidka ah ee shaqaallaha Dowladda,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale, Marxuumka ayaa wuxuu ahaa ganacsade muddo dheer kusoo dhex-jiray hawlaha ganacsiga, wuxuuna xilliyadii dambe ka mid ahaa mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Allaha u raxmadee, marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aaso Muqdisho maanta oo Arbaco ah, sida ay qaar ehelladiisa ka mid ah u sheegeen Warbaahinta, waxaana la filayaa in aaskiisa ay ka qaybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya