
Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL) — Sh. Maxamed Idiris oo ka tirsan culumada Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka ayaa waxaa u bilaabaysa maxkamadii u dambeysay, iyadoo lagu wado inay socoto laba maalmood oo xiriir ah.
Sheekh Idiris oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku rajo-weyn yahay in ALLE uu uga hiillin doono Maxkaamdda, wax wal-wal ahna uusan qabin, waxaana uu Sheekhu sheegay in loo haysto muslimnimadiisa, balse aanay jirin wax dambi ah oo uu galay.
“Walaalaha Muslimiinta, waxaan ka codsanaynaa inay ii soo duceeyaan oo ay i garab is-taagaan, ma jirto dambi aan galay, balse waxa la igu hayso waa inaan Muslim ahay oo keliya. Tan kale ma jirto wax walwal ah waana guuleysan doonaa haddii ALLE ogolaado,” ayuu yiri Sheekh Maxamed oo baraha Bulshadu ku xiriirto kala hadlayay shacabka Soomaaliyeed.
“Maxkamadda waxaan filayaa inay laba maalmood oo xiriir ah socon doonto, balse ALLE waxaan ka rajeynayaa inaan ka guuleysan doono, waayo EEBBE ayaa inooga hiillinaya,” ayuu Sh. Maxamed Idiris ku qoray bartiisa Facebook-ga.
Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya