
Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL)-Hayada falanqeysa Raashinka iyo Nafaqada ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaano FSNAU kana hawl gasha Soomaaliya ayaa dhowr maalmood ka hor war qoraal ah oo ay soo saartay kusheegtay in xilligii Jiilaalka (waa intii u dhexeysay Janaayo iyo Maarso) 2016 bishii uu ugu darnaa ay ahayd Maarso.
Bishaa intii lagu jiray ayaa heer kulku wuxuu gaaray heer geyru caadi ah ayadoo kuleyl daran laga soo tebiyay meelo badan oo dalka ah gaar ahaan waqooyiga dalka, gobolada jubooyinka iyo Shabeelooyinka.
Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.