Degmada Kismaayo oo Maanta si weyn looga dabaal-dagay Munaasabada Ciidda (SAWIRRO)
Jimco, Luuliyo 17, 2015 (HOL) — Iyadoo guud ahaan umadda Islaamka ah ee ku nool daafaha caalamka ay maanta u tahay maalin farxadeed ayaa waxaa dabaaldegga maalinta weyn ee ciida siweyn looga dareemayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Boqollaal dadweeyne ah ayaa maanta salaaddii ciidda ku oogay fagaaraha Masjidka loo yaqaan Maxfalka ee magaalada Kismaayo, iyadoo ay halkaasi kula tukadeen madax ka tirsan maamulka Jubbaland, oo ay kamid yihiin, madaxweeyne kuxigeenka 2-aad Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere), afhayeenka maamulka Mudane C/naasir Seeraar Maax, Gudoomiyeyaasha gobolka iyo kan degmada Kismaayo, xildhibaanno iyo weliba wasiirro kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.
Intii Salaadda la tukan kahor ayaa waxaa goobta khudbado kala duwan ka jeediyay madax ka tirsan maamulka Jubba, kuwaasoo shacabka ugu hambalyeeyay munaasibadda maalinta ciidda.
Madaxweeyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Lugadheere oo goobta khudbad dheer ka jeediyay ayaa ku booriyay shacabka ku dhaqan deegaanada Jubooyinka in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka, isagoo si guud ah ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay usoo jeestaan sidii ay dalka u horumarin lahaayeen islamarkaana uga gudbi lahaayeen dagaallo sokeeye iyo weliba qabyaalad.
Waddooyinka Waaweyn ee Kismaayo ayaa laga dareemayaa Mashquul, iyadoo indhahaagu ay Qabanayaan, Carruur aad u labisan & Dadweeyne kale oo buux-dhaafiyay Wadooyinka, maadaama sida caadada ah maalmaha ciidda ay dadku aad isu booqdaan.
Ugu dambeyn, Jawiga Guud ee Kismaayo ayaa maanta ahaa mid aad u wanaagsan, iyadoo dadweeynaha laga dheehanayay u dabaaldegga ciidda, Waxaana dadku iyagoo faraxsan ay isku salaamayaan “Ciid Wanaagsan” iyo weliba “Ciid Mubaarak”.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Maanta Ddhagax-dhigay Waddo Laami ah (SAWIRRO)
- SAWIRRO: Sida looga Ciiday Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo Al-shabaab ay Maamusho
- Millateriga Dalka Kenya oo Sheegay in duqeyn ay ku dilee 51 xubnood oo ka Tirsanaa Al-shabaab
- Wafdi uu Horkacay Ra'iisul Wasaaraha XFS oo Maanta lagu soo dhaweeyay Qardho (SAWIRRO)
- DAAWO SAWIRO: Sidii ay u Ciideen Soomaalida ku nool Tromsø–Norway iyo Norrkoping-Sweden
- Madaxweyne Xasan oo Munaasabadda Ciida Awgeed Cafis u fidiyay Maxaabiis ku Xirnaa Muqdisho
- Somaliland oo si weyn looga ciiday iyo Siilaanyo oo u hambalyeeyay shacabka SL (SAWIRRO)
- Magaalada Beledweyne oo Maanta si weyn loogu dabaaldagay Munaasabada Ciidda (SAWIRRO)
- XASAN SHEEKH: Ciidda Awgeed Waa in aan is-cafino una dhaqaaqno dhismaha Qaran Mid ah (SAWIRRO)
- Waddanka Kenya oo Maanta si Weyn looga Ciiday Xilli uu Sooman yahay Qaadiga Sare (SAWIRRO)
- RW Soomaaliya oo Boqolaal ka mid ah Dadweynaha Puntland kula Ciiday Garoowe (SAWIRRO)
- Madaxweyne Xasan oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Fidriga
- DHAGEYSO: Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia Farmaajo oo Fariin u diraya Shacabka Soomaaliyeed
- Magaalada Melbourne ee Australia si weyn looga Ciiday (SAWIRO)