Wafdi uu Horkacay Ra'iisul Wasaaraha XFS oo Maanta lagu soo dhaweeyay Qardho (SAWIRRO)


Jimco, Luuliyo 17, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Puntland ayaa maanta booqasho ku tegay Magaalada Qardho; iyagoo ka Jawaabaya Casumaad uu u fidiyay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah Hogaanka dhaqanka Somalia. Waxaana kusoo dhaweeyay Saraakiil, Waxgarad, Arday iyo Haween Qardho.

Sharma’arke ayaa dadkii kusoo dhoweeyey Qardho wuxuuu uga Mahad-celiyay sida weyn ee ay u soo dhaweeyeen; isagoo sheegay in taasi ka tarjumeyso sida dadka reer Qardho ay u jecel yihiin Soomaalinimada iyo Midnimada dalka.

“Waxaan mahad-ballaaran u celinayaa dadweynaha Qardho ee maanta sida weyn Halkaan noogu soo dhaweeyay. Runtii soo dhaweyntan waxay muujinaysaa midnimo iyo sida aad u jeceshihiin in la adkeeyo Wadajirkeenna. Booqashadan ma noqonayso tii ugu dambeysay ee Qardho ku imaado balse marar badan ayay soo noqon doontaa,” ayuu yiri RW Somalia.

Sidoo kale, Sharma’arke ayaa intaa raaciyay. “Magaallada Qardho waxay aniga ii leedahay Taariikh gooni ah, inkastoo aanan fursad u helin inaan booqasho ku imaado waqtiyadii hore, Waxaan filayaa booqashadayda inaan si wanaagsan ugu kala warqaadan doonno.”

Intaas kaddib Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan gaaban la Qaatay Bulshada iyo siyaasiyiinta ku sugan Qardho, iyadoo markii ay Wadahadalladu Dhammaadeen Wafdiga la geeyay goob Qada-sharaf loogu sameeyay.

Ugu dambeyn, Boqor Burhaan Boqor Muuse oo soo Munaasibadda Qadada ah soo Xiray ayaa Shacabka Soomaaliyeed ALLE uga baryay inuu quluubtooda isku soo-dumo, isagoo Qaranka Soomaliyeedna u rajeeyey nabadgalyo, midnimo iyo horumar dhinac walba leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya