4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2015
Wasiirka Difaaca Somalia oo Kormeer ku Tagay Xarunta Ciidamada Badda Somalia (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo uu weheliyo wasiir ku-xigeenka Difaaca, Cabdalla Xuseen Cali ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta ciidanka Badda Somalia ee ku taalla dekeddii hore ee Muqdisho, isagoo indho-indheyn ku sameeyay qalabka & xarumaha ay ku shaqeeyaan ciidanka badda.

Jen. Diini ayaa ugu horreyn booqday doomo ay leeyihiin ciidamadda badda, kuwaasoo dhawaan la filayo inay door ka qaataan sugidda amniga xeebaha Soomaaliya. Taliyaha ciidamada badda Somalia, Admiral Maadey Nuureey Sheekh Ufurow ayaa wasiirka iyo ku xigeenkiisa warbixin ka siiyay doomaha iyo sida ay u shaqeeyaan, isagoo xusay inay dhawaan billaabayaan howlihii loogu talo-galay.

Admiral Ufuroow ayaa hoosta ka xariiqay in sannadihii ugu dambeeyay ay ciidamada baddu sameeyeen horumar, haddana loo baahan yahay in kor loo qaado tirada iyo tayada ciidanka badda, si ay ciidanku u noqdaan kuwa ay u dhameystiran yihiin adeegyadii guud ee ku howl-galayeen.

Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga Jen, Diini, ayaa boggaadiyay horumarka ay sameeyeen ciidamada badda, isagoo xusay in wasaaradu ay door muuqda ka qaadanayso horumarinta ciidamadda badda Somalia oo laf-dhabar u ah Qaranka.

“Waxaan boggaadinayaa horumarka ay sameynayaan ciidanka badda, runtii meel hoose ayaa laga soo billaabay shaqada, maanta waxaa la isticmaalayaa doomaha dheeraya oo ay ku rabin yahay qalab casri ah, taasoo marqaati cad u ah sida ay nooga go’an tahay inaan gaarno Somalia oo leh awood ciidan oo ay isku difaaci karto, gaar ahaan kuwa badda oo iyagu ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ciidamada Qaranka,” ayuu yiri Jen. Diini.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa xusay in mar walba lagu gaari karo yoolka la higsanayo marka la muujiyo isku-tashi, isagoo intaas ku daray in ciidanka badda ay door firfircoon ka qaadan jireen dadaallada lagu xaqiijinayo amniga badaha dalka, isla markaana dadka Soomaaliyeed laga doonayo inaysan cid kale ka sugin in loo dhiso dalkooda ee iyaga looga baahan yahay in dalkooda ay horumariyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya