Safiirka Dowladda Ingiriiska u Jooga Somalia oo Maanta soo Gaaray Magaalada Kismaayo
Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) —Wafdigaan oo uu hoggaaminaayey safiirka Dowladda Britain ee Soomaaliya Nile Weagan ayaa markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose waxaa gudaha garoonka kusoo dhaweeyay madaxweeynaha maamulka Jubbaland iyo xubno ka tirsan golaha baarlamanka maamulka.
Intaasi kadib ayaa wafdigii uu hogaaminayay danjiraha dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Nile Wiigan waxa kulan ay saxaafadda dibad joog ka ahayd ay hoolka shirarka ee garoonka Kismaayo kula qaateen madaxweeynaha Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).
Kulanka markii uu soo dhamaaday ayay masuuliyiintani saxaafadda la hadleen, iyadoo ugu horeyn uu goobta ka hadlay madaxweeynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, kaasoo sheegay in safarka uu danjiruhu ku yimid Kismaayo uu ahaa mid uu ugu hambalyeeynayay dhismaha golaha baarlamanka ee maamulka Jubbaland ee dhawaan lagu dhawaaqay.
Danjiraha dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nile Wiigan oo isna goobta saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu qaaday tallaabo horumar leh, isagoo xusay in ay soo dhaweeynayaan dhismaha golaha baarlamanka ee maamulka Jubbaland.
Masuulkan ayaa sheegay in dowladda ingiriisku ay marwalba saaxiib dhow la ahayd maamulka jubbaland, isagoo xusay in ay soo dhaweeynayaan baarlamanka dhawaan agu dhawaaqay, waxa uuna intaa ku daray in dowladda Ingiriisku ay gobollada Jubooyinka ka fulin doonto barnaamijyo horumarineed.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo masuulkan uu safar ku yimaado magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, booqashadan ayaa qeyb ka ah safarro uu danjiruhu ku kala bixinayay maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Doorashada dalka Britain Xisbina ma Heli doono Aqlabiyad uu Iskiis Xukuumad ugu soo Dhiso
- Xukuumadda Mareykanka oo Hoggaanka Al-shabaab ku dartay liiska xubnaha Argagaxisada ah
- Wasiirka Difaaca Somalia oo Kormeer ku Tagay Xarunta Ciidamada Badda Somalia (SAWIRRO)
- FAAHFAAHIN: Khasaarihii dagaalkii ka dhacay Taleex & dagaalkii oo iskii u istaagay (SAWIRRO)
- Muslimiinta Kenya oo ka Hadlay Weerarrada Kenya iyo Dib u Celinta Qoxootiga Dhadhaab
- Hay’ada HIJRA oo beeraleyda Baydhabo siisay Tababar ku saabsan Aqoonta Beeraha (SAWIRO)
- DHAGEYSO: Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR oo Guddi u Saaray Dib u Celinta Qaxootiga Somalia
- Guddida Doorashooyinka Somaliland oo oo ku dhawaaqay xilliga ay Dhacayso Doorashadda SL
- Qarax khasaare badan sababay oo ka dhacay baar ku dhow Cental Hotel ee Muqdisho (SAWIRRO)
- Dagaal Khasaare badan dhaliyay oo ka Socda Bartamaha Degmada Taleex ee Gobolka Sool
- Madaxweynihii la doortay ee Waddanka Masar oo Maxkamadi ay ku Xukuntay 20-sano oo Xabsi ah
- Somalia, Kenya iyo UNHCR oo dib u billaabayo Wada-hadaladii dib u celinta Qaxootiga Somalida
- DAAWO: Ciil-mooge oo ka Hadlay Higsiga 2016-ka iyo dhibaateynta Soomaalida Koonfur Afrika
- Xaflad lagu sagootinayay Boqor Burhan Boqor Muse oo lagu Qabtay Gobolka Minnesota (SAWIRRO)




