Shirkad ka shaqeyn doonta nadaafada degmada Kismaayo oo maanta la daah-furay [SAWIRRO]
Sabti, November 28, 2015 (HOL) —Munaasibaddan oo ahayd mid lagu daahfurayay shirkad cusub oo lagu magacaabo Waamo taa oo ka shaqeyn doonta howlaha nadaafadda ee degmada Kismaayo ayaa waxa ay ka dhacday Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo, ayadoo ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan maamulka Jubaland.
Ugu horeyn waxaa munaasibadda ka hadlay maamulaha shirkadda Waamo Max'ed Axmed Kaahin kaa oo sheegay in ujeedada ay shirkaddan u aasaaseen in ay tahay sidii ay usoo celin lahaayeen bilicda magaalada islamarkaana ula dagaalami lahaayeen nadaafad darrida oo uu sheegay in ay horseedi karto dhibaatooyin badan oo dhanka nolosha ah.
Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid C/laahi Gooni iyo kan degmada Kismaayo mudane Ibraahim Max'ed Yuusuf (Timajilic) ayaa iyaguna aad usoo dhaweeyay shirkadda Waamo oo ay sheegeen in ay tahay mid loo baahna ayna muhiim tahay in si wadajir ah la isaga kaashado nadaafadda deegaanka.
Ugu danbeyn waxaa madasha soo xiray wasiir kuxigeenka caafimaadka Jubaland Mudane Caydiid Suleybaan Xaashi kaa oo sheegay in ay la shaqeyn doonaan shirkaddan ka shaqeyn doonta nadaafadda deegaanka, isagoo xusay in sidoo kale barnaamijkani uu shaqo abuur u yahay dhalinyarada deegaanka.
Waamo Sanitation Company ayaa la filayaa in ay magaalada ka nadiifin doonto qashin badan oo yaal qeybo ka tirsan xaafadaha magaalada, kaa oo dhaqaatiirtu ay hore uga digeen in uu sababi karo dhibaatooyin caafimaad.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Madaxweynaha Galmudug oo dib u soo laabadka RW Soomaaliya ku tilmaamay wax laga xumaado
- AKHRISO: Puntland oo Warbixin kasoo saartay Dagaalkii Gaalkacyo & Safarkii RW Soomaaliya
- Munaasabad lagu soo dhaweeyay duqa Muqdisho oo lagu Qabtay Minneapolis, Minnesota (Sawiro)
- Qarax lagu weeraray deegaan Shiicadu ay degto oo ku yaalla Gobolka Kano ee Waddanka Nigeria
- RW Somalia oo sheegay in Guddi heer Wasiir ah uu u Magacaabay Xallinta Colaadda Gaalkacyo
- SAWIRRO: Ardayda Jaamacada SIMAD oo Dhiig ugu Deeqay Bangiga Dhiigga ee isbitaalka SOS
- Wasiiro Maanta la dhaariyay iyo sharci dib loogu eegayo kharashka Dowladda FS oo la Ansixiyay
- BURUNDI: La-taliyaha Madaxweynaha Burundi oo ka badbaaday Weerar lagu Qaarijin lahaa
- Turkiga oo ka digay xayiraadaha ay dowladda Ruushku doonayso inay ku soo rogto dalkooda
- FAAHFAAHIN: Dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay iyo RW Soomaaliya oo kusoo laabtay Muqdisho
- SAWIRRO: Danjiraha Somalia ee South Africa oo laga Gudoomay Warqadihii aqoonsiga safiirnimo
- Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo looga Adkaay Kulankii Saddexaad ee Koobka CECAFA
- Dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug oo mar kale ka Qarxay Gaalkacyo