Maamulka Jubbaland oo qalab Isboorti ku wareejiyay Isboortiga gobolka
Axad, March 15, 2015 (HOL)-Wasaaradda arimaha bulshada Jubbaland ayaa qalab isboorti ku wareejisay xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose, qalabkaa oo uu ku deeqay madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe).
Qalabkan oo isugu jiray dharka isboortiga, Kabo, Kubado iyo alaabo kale oo Isboortis ayuu madaxweeynuhu ugu talo galay sedexdii kooxood ee kaalimaha hore ka gashay tartamadii ugu danbeeyay ee kubadda cagta ee lagu qabtay degmada Kismaayo.
Wasiirka arimaha bulshada iyo waxbarashada Jubbaland Macalim Max'ed Ibraahim oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in qalabkani uu yahay mid madaxweeynuhu ugu talo galay in lagu dhiirigeliyo kooxihii kaalimaha hore ka galay tartamadii kubadda cagta, isagoo sheegay in ka maamul ahaan ay qorsheynayaan in isboortiga gobolka ay gaarsiiyeen heer aad u sareeyo.
Wasiirka ayaa qalabka ku wareejiyay agaasimaha isboortiga iyo dhalinyarada Jubbaland Mudane Burhaan Max'uud Xasan Kukuuyu, kaasoo isna gudoonsiiyay xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose.
Agaasimaha isboortiga iyo dhalinyarada oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in madaxweeynaha Jubbaland uu ballanqaaday in qalab la gudoonsiin doono isboortiga gobolka guud ahaan, islamarkaana garoonka Kismaayo la keeni doono caws, maadaama dhawaan dayactir lagu sameeyay.
Mudooyinkii u danbeeyay waxaa horumar baaxad leh laga dareemayay isboortiga gobolka, iyadoo dayactir lagu sameeyay inta badan garoomadii ay lahayd degmada Kismaayo oo mudo ka badan 20-sano burbursanaa.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Shir wadatashi ah oo maanta ka furmey magaalada Beledweyn ee G. Hiiraan
- Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mirre ayaa kulan wacyigelina Jaamacadda Laascaanood ku qabtay
- Shirka dib u-eegista Waxbarasahda Puntland oo Maanta ka Furmay Garowe
- Dowladda Masar oo Dhismaha Caasimad Cusub ku qarash-garaynaysa 45 Bilyan
- Madaxweynaha Somaliland oo mar labaad isku-shaandheyn sameeyey
- Madaxweyne Siilaanyo oo isku shaandheyn labaad ku sameeyey golihiisa xukuumadda
- Qunsuliyadaha Safaaradda Maraykanka ee dalka Sucuudiga oo la xirey
- Madaxweyneyaasha Soomaliya iyo Falastiin oo Sharm El Sheikh ku kulemy