Axad, Maarso 15, 2015 (HOL) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Masar kula kulmey dhiggiisa Falastiin Maxamuud Cabbaas.Xasan iyo Cabbaas ayaa ka qayb galaya shirka caalamiga ah ee looga hadlayo horumarinta maalgashiga iyo dhaqaalaha Masar oo maalintii saddexaad ka soconaya magaalada Sharm El Sheikh.
Kulanka labada Madaxweyne oo intiisa badan xog wareysi ahaa, waxaa muddadii uu socdey Madaxweynaha Soomaaliya uu dhiggiisa Falastiin uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya ku jiro, dadaallada nabadeynta ee socda iyo higsiga 2016.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa ballan qaadey in Soomaaliya sii joogteyn doonto taageerista qadiyadda Falastiin.
"waxan aaminsanahay in Soomaaliya iyo Falastiin xiriirkoodu sii xoogeysan doono...waxan ballan qaadeynaa inaan taageerno qadiyadda Falastiin oo aan weligeen safka hore kaga jirney" Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidaas yiri.
Sidoo kale, Madaxweyne Cabbaas ayaa isna ka warbixiyey halka uu marayo qorshaha Falastiiniyiintu ku doonayaan inay aqoonsi caalami ah helaan isagoo xusey inay rajo wanaagsan qabaan.
Kulankan ayaa kusoo dhamaadey is-af-garad, waxayna labada Madaxweyne ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dhinac.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya