Qarax iyo Rasaas sababay Dhimasho iyo Dhaawac ah oo Caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo


Isniin, Luuliyo 06, 2015 (HOL) — Ugu yaraan Afar Ruux ayaa ku Geeriyooday, 18-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray, kadib markii uu askari ka tirsan ciidanka millateriga Dowladda Somalia ee Baydhabo oo lagu Magacaabo Wariiri uu Bam-gacmeed ku tuuray rug ganacsi oo ku taalla Afar-irdoonka degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Qaraxan khasaaraha fara badan geystay kaddib ayay ciidammo goobta ku sugnaa waxay fureen rasaas badan taasoo sababtay inta badan khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ah ee goobta ka dhacay.

Askariga bambaanada ku tuuray goobta ganacsi ayay wararka Qaarkood sheegayaa inuu sarqaansan, iyadoo ay markiiba qabteen ciidamada booliiska Baydhabo, iyagoo xabsiga u taxaabay.

Ciidammo ka kala tirsan Milateriga, booliiska iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur-galbeed ayaa buux-dhaafiyay magaalada Baydhabo,iyagoo mararka Qaarkood Rasaas kor u ridaya.

Waa markii ugu horreysay oo Askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya uu ku tuuro bambaano goob ganacsi oo Baydhabo ku taalla, tan iyo markii maamulka Koonfur-galbeed la dhisay, iyadoo dhaawacyadii oo dhan la dhigay Isbitaalka guud ee Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo