Madaxweyne ku Xigeenka Jubba oo Xarigga ka Jaray Dayactir lagu Sameeyay isbitalka Kismaayo
Isniin, Luuliyo 06, 2015 (HOL) —Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere) ayaa xariga ka jaray qeyb kamid ah isbitalka degmada Kismaayo, taasoo dhawaan lagu sameeyey dayactir.
Qeybtan cusub ee la dayactiray, ayaa waxa loo dhisay hab casri ah, iyadoo sidoo kale la dhigay qalab kala duwan oo ay kamid yihiin qalabka loo isticmaalo noocyada kala duwan ee qaliimada, waxaana dayactirka isbitalka iska kaashaday hay'adda ICRC iyo weliba shirkadda Jubba Construction.
Madaxweeyne kuxigeenka oo ay wehlinayee xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubbaland iyo madaxda maamulka gobolka iyo kan degmada Kismaayo ayaa waxa ay kusoo wareegeen dhammaan qeybaha dayactirka lagu sameeyay ee isbitalka.
Xafladdii xarig ka jaridda qeybtan cusub ayaa waxaa ugu horeyn khudbad dheer ka jeediyay agaasimaha isbitalka Kismaayo mudane Xuseen Sheekh Khaasim, kaasoo ku dheeraaday marxaladihi kala duwanaa ee uu soo maray Isbitalka, waxa uuna intaa ku daray in isbitalka uusan helin wax dayactir ah mudo ka badan 25 sano.
Ugu danbeyntii waxaa madasha khudbad kusoo xiray madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubbaland Mudane C/qaadir Lugadheere, kaasoo u mahadceliyay hay'adda ICRC iyo shirkadda fulisay dhismaha ee Jubba Construction, waxa uuna sheegay in laga bilaabo maanta ay furantahay qeybta cusub ee la dayactiray ee isbitalka Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Xukuumada Somalia oo Maanta ka dooday wixii u qabsoomay lixdii Bilood ee ay Shaqeynaysay
- Ergayga QM oo soo dhaweeyay Ansixinta Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka
- Qarax iyo Rasaas sababay Dhimasho iyo Dhaawac ah oo Caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo
- Baarlamaanka Somalia oo Ansixiyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka
- Xawaalada Tawakal oo 13,500 oo doollar ku Taageertay Qaxootiga kasoo Cararaya Yemen (SAWIRRO)
- Arday Soomaaliyeed oo ku Guuleysatay Tartamo Qu'raan Akhris oo ka dhacay Kenya & Tanzania
- Mucaaradka Somaliland oo Xukuumadda ku eedeeyey inay heshiis la gashay Somalia & Jawaabtii XSL
- Diyaaradaha Dagaalka Sucuudiga oo duqeyn ku dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa Yemen
- Taliyaha AMISOM oo Shaaciyay in dhawaan la billaabyo Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab (SAWIRRO)
- Ciidamada dowladda oo ka Hor-tagay Weerar ay Al-shabaab xalay ku Qaadeen Degmada Jalalaqsi
- Kooxda Boko Haram oo Weerartay Masaajid iyo Maqaayad ay Dad badan oo Muslimiin ahi ka Afurayeen
- Wasaaradaha Kheyraadka DFS oo la Weydiistay inay la yimaadaan Siyaasad lagu Xaqiijinayo Amniga Cuntada







