
Arbaco, December 16, 2015 (HOL) — Inta la ogyahay toddoba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Somalia ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay afar kale oo uu Sarkaal sare ku jiro ayaana ku dhaawacmay qarax waddada dhinaceed lagu aasay oo gaarigii ay wateen uu ku istaagay, kaasoo ka dhacay deegaanka Buulo-fuulay oo qiyaastii 3-km jirta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Qaraxaan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahaan ka dhaca aga-gaarka degmada Afgooye, iyadoo weerarkan loo qab-qabtay dhawr ruux oo ka dhawaa halka uu ka dhacay qaraxan.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in gaarigii ay ciidamadan wateen oo TOYOTO ahaa uu gabi ahaantii gubtay. Waxaana ciidankan la qarxiyay ay ka tageen Muqdisho, iyagoo kusii jeeday deegaanka Laanta-buuro oo ciidamada dowladda Somalia ay saldhig ku leeyihiin.
Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan qaraxa ah ee lagu dilay ciidamada ka tirsan dowladda Somalia, tirada kalena lagu dhaawacay, laakiinse inta badan qaraxyada noocan ah ayaa waxaa mas'uuliyaddooda sheegata Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda FS iyo ciidamada AMISOM.
Ugu dambeyn, saraakiisha ciidamada xoogga Somalia ayaan dhankooda ka soo saarin weli warbixin rasmi ah qaraxa miino ee ay ku geeriyoodeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, kuwo kalena ay tiro kale ku dhaawacmeen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya