Shirka Wada-tashiga Doorashooyinka 2016-ka ee dalka oo maanta mar kale la isugu soo laabanayo


Arbaco, December 16, 2015 (HOL) — Maanta ayaa mar kale la filayaa in la isugu yimaado shirka madasha wadatashiga doorashooyinka dalka, iyadoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay socdeen kulamo gaar-gaar ah, waxaana jira muran adag oo ku s aabsan nooca doorasho ee ka dhici doonta dalka sannadka soo socda.

Weli waxaa jira wali kala aragti-duwanaashihii qaabka doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka, iyadoo la filayo in kulanka maanta hal dhinac la isku raaco, lana soo saaro war-muriyeed loo dhan yahay.

Xalay illaa shalay waxaa socday kulammo gooni-gooni ah oo madaxda dowladda Somalia iyo madaxda maamul-goboleedyada dalka ay lahaayeen, kuwaasoo ay uga doodayeen nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

Sidoo kale, wararka ku dhow-dhow madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in la filayo in maanta ay shirka kasoo baxaan heshiisyo lagu mideysan yahay, taasoo ah nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka ayaa la sheegay in kooxiba ay qabto fikir gaar ah, kuwaasoo kala ah; 4.5 in wax lagu soo doorto iyo in hab deegaan wax lagu soo doorto.

Ugu dambeyn, muranka ku saabsan nooca doorasho ee ka dhici doonta Somalia marka la gaaro sannadka 2016-ka ayaa kusoo beegmaysa iyadoo cilmi-baaris ay dhawaan sameysay hay’adda Heritage ay ku sheegtay in 51% shacabka Somalia ay doonayaan in wax lagu soo doorto hab beeleed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya