4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2015
Jabuuti oo Beenisay Eeddii uu Taliyaha AMISOM ee Gobolka Hiiraan u jeediyay Ciidanka Itoobiya


Talaado, Ogoosto 25, 2015 (HOL) — Dowladda Jabuuti ayaa beenisay Hadal uu Dhawaan Warbaahinta Siiyay Taliyaha AMISOM ee Gobollada Dhexe ee Somalia, Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil oo ahaa in Ciidamada Itoobiya ee ka Howlgala Gobolka Hiiraan Qaarkood aysan ka mid ahayd Howlgalka AMISOM, Balse ay dano gaar ah ka leeyihiin Soomaaliya.

Taliye Dhimbil oo Toddobaadkii hore kula hadlayay Warbaahinta Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan Qaarkood aysan ka mid ahayn kuwa AMISOM, amarkana ay ka Qaataan Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.

“Warkaas waa been, mana ahan mid ka Tarjumaysa Siyaasadda xukuumadda Jabuuti ee ku Aaddan Xiriirka dhaqan iyo daris-wanaag ee kala dhexeeya dalka Itoobiya,” ayuu Taliyaha Millateriga Jabuuti, Jen. Zakariye Shiikh Ibraahim ku yiri War-saxaafadeed uu kaga hadlay eedeyntan.

Sidoo kale, Jen. Zakariye Sheekh wuxuu xusay in eedeyntaas aysan ahayn mid si toos ah uga timid Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti iyo Taliyeyaasha Ciidamada Dalkooda.

HALKAN KA AKHRISO KANA DHAGEYSO WARBIXINTII COL. DHIMBIL;

“Ciidamada Jabuuti waxay sii wadi doonaan howsheena ku aaddan Horumarrada Somalia, Gaar ahaan Gobolka Hiiraan. Ciidamadeenna iyo Kuwa Itoobiyana si Wanaagsan ayay ku wada shaqeeyaan, waxayna la wadagaayaan dadka Somalia dhibaatada iyo farxadda,” ayuu hadalkiisa ku daray Taliyaha Millateriga Jabuuti.

Jen. Zakariye Sheekh ayaa Hadalkiisa Raaciyay in Ujeeddada keliya ee Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ay tahay sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa nabad iyo xasillooni waarta.

“Itoobiya iyo Jabuuti midna dano-qarsoon kama lahan Soomaaliya; laakiise howsha ay ka Wadaan Soomaaliyana waa sidii uu dalkaas uga bixi lahayd colaada iyo xasillooni-darrada muddad dheer socday,” ayuu Jen. Zakariye mar kale yiri.

Taliyaha ayaa mar kale yiri. “Eedeymahan ceebta ah waa kuwo looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo is-aaminaadda u dhexeysa ciidamada labada waddan iyo in lagu kala daadiyo Geeddi-socodka Nabadda Somalia. Gaar ahaan Qaybta Afaraad ee AMISOM, Xilli la isku diyaarinayo dhismaha Maamul-goboleed loo sameeynayo Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.”

Ugu dambeyn, Ciidamada ka socda Jabuuti ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii Qayb ka ahaa Howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo 1,900 oo Askari ay kaga Sugan yihiin Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya