
Jimco, Ogoosto 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka KMG-ka ah ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay inay lama huraan tahay in Xildhibaannada Baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya laga soo xulo maamullada-Gobollada intii ay soo xuli lahaayeen odoyaal-dhaqan oo lasoo ururiyay.
Madoobe ayaa xusay in Soomaaliya xilligan ay Qaadatay Hannaanka Federaalka ah; taasna ay keenayso in Xildhibaannada soo socda ay Maamul-goboleedyadu soo Xulaan, isagoo ku daray intaa in habkan uu yahay kan keliya ee lagu hirgalin karo federaalka.
“Anigu ma qabo in Xildhibaannada soo socda ay Odoyaal-dhaqameedyo soo xulaan, balse Waxaa lagama maarmaan ah inay ka yimaadaan Maamullada Dalka ka jira, waana taas tan saxda ah,” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Sidoo kale, Madoobe ayaa sheegay inay khasab tahay in maamullada jira ay la wadaagaan Dowladda Taageerada ay hesho iyo xitaa Awoodda ciidammada AMISOM si loo xoojiyo buu yiri Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
“Jubbaland waxaa ku Hareeraysan Al-shabaab. Waxaanu u baahan-nahay in Gacan nagala siiyo sidii aan u Cirib-tiri lahayn kooxdan – Dhaqaale badan ayaan u baahannahay, saanad ciidan ayaan u baahannahay… in Horumarka nagala Caawiyo ayaan doonaynaa iyo weliba in la bixiyo mushaaraadka ciidamada,” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri. “Jubbaland xaq ayay u leeyahay inay la Wadaagto Dowladda dhexe ee Soomaaliya Dhaqaalaha uu Caalamku ku caawiyo.”
Dhanka kale, Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan mar kale loo doortay Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa waxaa shaki weyn la gelinayaa sida Maamulkiisu uu ku dhisan yahay, iyadoo ay horay u jireen cabashooyin dhanka Baarlamaanka ah.
Ugu dambeyn, Sanadka soo socda ee 2016-ka Waxaa la Filayaa in Soomaaliya uu ka dhaco isbedel Siyaasadeed, inkastoo madaxda Dowladda Somalia ay sheegeen inaysan dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya