Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Maanta safar shaqo ugu Ambabaxay Waddanka Itoobiya


Jimco, Ogoosto 21, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici iyo Wefdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta u Socdaalay dalka Itoobiya, waxaanu sheegay inuu arrimo shaqo oo maalmo kooban qaadan doona u tagayo.

“Aniga iyo Wafdiga aan Hoggaaminaynaa waxaanu maanta safar ugu baxaynaa magaalada Addis Ababa. Inshaa Allah muddo kooban oo laba casho ah ayaanu ku maqnaan doonaa. Safarkaasi waa safar shaqo oo  wasiiro kalena nagaga horreeyaan Addis Ababa ayaanu u soconaa, iyadoo sidaad ogtihiin Itoobiya tahay dal weyn oo aynu jaar nahay oo wax badani inaga dhexeeyaan, iskaashi badana aynu ka leenahay dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada,” ayuu yidhi  Saylici oo ka hadlayey ujeedadda socdaalkiisa.

Madaxweyne xigeenka oo wax laga waydiiyay arrinta saami qaybsiga golaha wakiillada ee Xildhibaanadda Golaha Wakiilladda kaga jira Awdal iyo Selel ay diideen inay Xaadiraan haddii aan wax laga bedelin qodobadda doorashooyinka ayaa sheegay inay arrintaasi tahay mid qaran oo u baahan talo qaran.

“Arrintaas xukumaddu qaranka ayay ula siman tahay. Arrinta baarlamanku waa arrin talo qaran u baahan, xildhibaanaduna meel ma tagin ee cabasho uun bay muujiyeen, mar walba jiri jirtay oo la leeyahay saamiga ha loo kordhiyo. Arrintani waxay noqonaysaa talo qaran oo u taal goleyaasha qaranka sidii hawshaas looga gudbi lahaa. Xeerku wuxuu hor yaal golaha wakiillada markaa marka doodiisu bilaamato iyo haddii dusha lagaga wada hadli lahaaba waa arrin maanta qaydhiin oo aan laga hor dhici karrin,” ayuu madaxweyne ku xigeenku yidhi.

Safarkan uu ugu Ambabaxay Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa ka sii horreeyey Xubno Wasiirro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirkii arrimaha Dibadda Maxamed Biixi iyo Wasiirkii Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwaas oo sheegay inay u joogaan sidii Itoobiya uga wada hadli lahaayeen hirgalinta jidka dheer ee isku xidhi doonno Berbera iyo Itoobiya taasoo muddo badan qaadatay hirgalintiisa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland